Xadhigii Iyo Sii dayntii Cigaal ee Siyaad Barre – W.Q. Cali Cabdi Coomay

0
223

Xukuumadii Raysal-wasrre Cigaal AHN wuxuu Siyaad Barre afgembiyey bishii Oktoobar ee sannadkii 1969-kii, markii dil toogasho ah lagu diley madaxweyne C/rashiid Cali Shaarmaarke.

Markii ingilaabku dhacay ayuu Siyaad Barre amray in xabsiga la dhigo Raysal-wasaare Cigaal, laguna xidho Afgooye iyo xabsigii la odhan jiray “ Laanta Buur” ee magaalada Marka u dhawaa. Sidii uu xabsiga ugu jira ayaa laga sii daayey sannadkii 1975-kii, isaga oo xabsiga ka soo laacay lix sanno. Mudadaa uu xidhnaa Cigaal AHN waxa Siyaad Barre waraaqo codsi ah u soo diray jiray Madaxweyneyaal caan ka ahaa qaarada afrika, oo saddex ahaa, kuwaasi oo kala ahaa, madaxweynayaasha Kiiniya, Saambiya iyo Tansaaniya, iyaga oo ka codsanayey inuu sii daayo Cigaal, taasi beddelkeedana Cigaal aanu samayn wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah, kuna noolaado dalalkooda.

Balse Maxamed Siyaad codsigaasi dheg jalaq umuu siin. Markii xabsiga laga sii daayey ayuu Siyaad Barre amray in Cigaal wixii lacag ah ee uu soo qorto la siiyo, cidna aanay la xisaabtamin, sidoo kale qoyskiisana loo diro tikidh ay dalka ku soo galaan, loona dayac-tiro gurigiisii ku yaalay xaafadda Digfeer ee magaalada Muqdisho. Dhammaan amradii Siyaad Barre way fuleen. Sannadkii 1976-kii ayaa Cigaal loo magacaabay safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, dabadeed Cigaal oo safiir ah ayaa ka qaybgalay shir ka dhacay dalka Siri-Laanka caasimadiisa Colombo, oo ay ka qaybgaleen Soomaaliya dalalka dhexdhexaadka ahi, dabadeendna weftigii Soomaaliya uga qaybgalayey shirka waxa la socday sarkaal ka tirsan Golaha sare ee kacaank, ka dib habeennimadii ayey Cigaal isku keliyeysteen, markaasuu Cigaal kula kaftamay. “ Inaadeer mididii daabkeeda aniga ayaa gacanta ku hayey. Waad iga qaaday, adiguna maad haysan. Maxaad faa’iiday ee aad maanta haysaa?” sarkaalkana wuxuu ahaa mid aad u aaminsan kacaanka, markii uu Muqdisho ku laabtay ayuu Siyaad Barre u sheegay hadalkii Cigaal dhexmaray. Markiiba shaki ayaa galay  Siyaad Barre in uu Cigaal ku samrin wixii uu la qabtay, uguna maqan ya colaad iyo cadaawad. Waana caado dhacdo ninka  mar kasta xukunka xoog ku qabsaday inuu shaki weyn ka qabo shakhsigii uu xukunka ka maroorsaday. Siyaad Barre oo markaasi ka duulaya arrintaasi ayaa sannadkii 1977-kii horaantiisii Cigaal ku amray inuu Muqdisho yimaado, Cigaal AHN oo fulinayaa amarkii wasaaradda arrimaha dibada ayaa Muqdisho yimid. Laba maalmood ka dib ayuu Siyaad Barre Cigaal casho ku martiqaaday, dabadeed 11:00-kii habeennimo ayuu Cigaal ka soo ambabaxay kulankii isaga oo u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo gurigiisii, markii ay u dhammaatay cashadii iyo is-warayssigii. Muddo yar ka dib ayuu Siyaad Barre amray in Cigaal isla-caawa gurigiisa laga soo qabto oo la xidho.

Xadhigii Labaad 1977 ilaa 1982

12:00-kii habeennimo ayuu Kornayl Jilow oo ahaa madaxii nabadsugada ee gobolka Banaaadir gurigiisii ugu tegay Cigaal, waxaan ku sheegay inuu haysto amar lagu xidhaayo. Ka dib Cigaal wuxuu ku yidhi sarkaalkii “ Hadda ayaan ka soo noqday madaxtooyada aniga oo la soo casheeyey madaxweynaha, markaa arrintan xadhigayga ma la socdaa Madaxweynuhu?” kornayl Jilicow ayaa ugu jawaabay madaxweynaha laftiisa ayaa na soo diray. Cigaal wuu ku qoslay hadalkaasi. Dabadeed Cigaal wuxuu raacay gaadhigii nabadsugidu wadatay, isla habeenkiiba waxa la dhigay xabsiga Labaatan Jirow, oo qiyaastii magaalada Baydhabo u jira 20 Kiiloomitir. Xabsigan waxa Kacaankii u dhisay dawladdii Jarmalka Bari oo shuuci ahayd, waxaana lagu xidhi jiray siyaasiyiinta lagu tuhmo inay Kacaanka ka soo horjeedaan.

Sii-dayntii Cigaal ee 1982-kii

Cigaal waxa xabsiga laga sii daayey sannadkii 1982-kii, markii xabsiga laga sii daayey Cigaal AHN waxa booqasho iyo salaam ugu tegay Danjire Cawil iyo Xaaji Faarax Xarbi. Mudadii 6 sanno ee dambe ee uu xidhnaa Cigaal muu arag qof uu garanaayo, oo wuxuu ku xidhnaa qol yar oo albaabkiisu bir yahay. Intii uu Cigaal ku jiray Labaatan Jirow adduunka waxba kalamuu socon, waayo looma ogolayn inuu idaacad dhegaysto ama Tilifiishan daawado, sidoo kale looma ogolayn inuu wargayso akhristo, waxa keliya ee loo ogolaa wuxuu inuu akhristo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Warka ay habeenkaasi siiyeen Cawil iyo Xaaji Faarax Xarbi wuxuu ahaa:

  • In qoyskiisii caafimaad qabo, kuna nool yihiin magaalada Abu-dubay
  • In uu dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, badhtamihii sannadkii 1977
  • In Haweenay ay raysal-wasaare ka noqoty Ingiriiska oo magaceeda la yidhaa Margaret Thatcher
  • In Madaxweyne Anwar Sadat-kii Masar toogasho lagu diley isaga oo salaam ka qaadanaya ciidanka dalkiisa
  • In Boqor Shahii Iraan ay xukunkii ka tureen koox kacaan Islaamiyiin ahi.

Markii ay intaasi u sheegeen ayuu Cigaal ku yidhi” waar adduunka waxba kalamaan socon, xittaa markay Ramadaantu soo gasho waxa aan ka ogaan jiray marka fiidkii cuntada la ii keeno. Qur’aanka ayaa wheel ii ahaa, oo aan xiftiyey. Qudhaanjada gidaarka maraysa ayaan la sheekaysan jiray. Askartii I ilaalin jiray waxa ay amar ku qabeen in aanay wax su’aal ah iiga jawaabin, hadaan waxa weydiiyna waxa ay odhan jireen “ waa wakhtigii shalayto”. Dee xaalad noocaasi ah ayaan ku jiray. Wixii intaasi ka dambeeyey, waxa Cigaal loo magacaabay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliya.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

Xuseen Cali DucaaLe “Cawil”……..Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed (2016)

Comments

comments