Maxay Kaga Duwanayd Kuwii Hore Khudbadii Maxaweyne Biixi

0
924

Maxay Kagas Duwanayd Kuwii Hore Khudbadii Maxaweyne Biixi

8 bisha ayuu madaxweynuhu hortagay labada Golle. Guurtida, iyo Wakiilada, isaga halkaa ka jeediyay Khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd. Taasi oo madaxweyne kastaa kaga xog waramo guud ahaan xaalada dalka garaa ahaana uu ku sharaxo wixii u qabsoomay sanadkaa, wixii aan u qabsoomin, iyo waxa u qorshaysan. Si loo fahmo shaqada ay dawladu qabatay, waxa aanay qaban, iyo waxa ay qaban doonto.
Khudbada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ma arag cid ka faaloonaysa ama ka falcelinaysaa Tognaan iyo Tabnaan midan, in la naqdiyo oo la dhaliilo ama in la taageero oo lagu faano si faahfaahsan gun dheerina ka muuqato.
Halkaa waxa ka muuqata in ay meesha ka baxeen:
1 Xisbiyadii mucaaridka ee taakaym lahaa “Challenge” harayn lahaa, la xisaabtami lahaa.
2 Doorkii Saxaafada oo isna meesha ka maqan kaasi oo ahaa xaqiiqo raadin, dabo gal iyo faalayn intaba.
Hadal jeedinta Madaxweyne Muuse waxa ay socotay muddo ku eeg 1:15 miridh meelahaasi waxaanu kaga hadlay qaybo kasta oo dawladnimada ah,
Caafimaadka, Beeraha, Biyaha, Waddooyinka, Sixir-barrarka, Biyaha, Waxbarashada, Shaqo la’aanta, Amniga, Siyaasasa Arimaha dibada, iyo ta gudahaba.
sannadkan madaxweynuhu waxa uu u asteeyay mid Amni in uu ahaa kii ugu fiicnaa sanandadan xaga amniga oo nabada aad looga shaqeeyay. Sidoo kale waxa uu xal fiican ka sheegay dhanka Beeraha iyo Biyaha isaga oo iftiimiyay in la dhisaayo maxadkii Beeraha, Bangigii kaydinta siidhka beeraha illaa haddana la Diwaan galiyay 25nooc oo ah siidhka ku fiican wax beerista dalka. Dhanka kale waxa uu sheegay in ceelasha biyaha loo samaydoono dad gaara oo xirfadlayaal ah si ayaanay u ciladoobin Bamamka biyo soo saarku kuwaasi oo ah waxa ugu badan ee ceelashu u fadhiyaan. Haddii ay arimahaasi fulaan waa kuwo wax weyn ka tari doona qadiyada Abaaraha ee soo noqnoqota “maantana taagan”. Qof ahaan waan u bogay qodobadaa xalka ah ee uu sheegay.
Runtii Anigu qof ahaan waxa aan u arkaa in ay tahay tii ugu fiicanayd hadal jeedinaha madaxweyne Muuse Biixi wax badana kaga duwanayd kuwii hore. Walow ay jiraan wax yaabo mihiima oo aanu xusin Madaxweynuhu, sida: Dhalinyarad iyo Furista Urrurada oo laba arin oo mihiima dooda leh.
nuradiin diini