Gabaygii reer Cudra: W/Q Ibraahin-hawd

0
136

Gabaygii reer Cudra
(19.1.2021)

W/Q Ibraahin-hawd

Soo bixiddii Islaamka in yar ka hor ilaa dhammaadkii qarnigii boqortooyada reer Banii Umaya, Jasiiradda Carabta waxaa ka caanbaxay nooc gabay ah kaas oo wax keliya ka hadla, si keliyana u hadla. Wax uu ka hadli jiray oo keliya jacaylka, wax uuna u ga hadli jiray si aad u macaan, aad u debecsan, aad u fudud, aad u asturan, aadna u ga duwan gabaygii Carbeed. Waxaa loo yaqaan “Gabayga Cudri – Shicir al-Cudri.” Magaca waxaa loo gu bixiyay qabiil la yidhaahdo reer Cudra oo gabayga noocan ahi ka dhex bilowday, kuwaas oo aad u gu caanbaxay, in kasta oo uu markii dambe Carabta ku wada faafay.

Run ahaantii reer Cudra raggooda uun ma aha ee dumarkooduna la mid bay ahaayeen. Caalimkii la odhan jiray Ibnul Qayim al-Jooziyah ayaa qoray “Ziyaad bin Sufyaan baa arkay gabadh reer Cudra ah oo jidhkeedu jacayl u idlaaday oo qarka u saaran in ay u dhimato. Dabadeed wax uu wayddiiyay ‘Naa horta qoladiinnan maxaa reeraha kale idinka duway ee jacaylku idiin madhiyaa?’ Wax ayna ku jawaabtay ‘Qurux iyo dhawrsani baannu lee nahay. Quruxdu dhawrsani bay na siisaa, dhawrsaniduna qalbi nugayl bay na dhaxalsiisaa, dabadeed caashaq baa na laaya, oo indho aan idinka idinku oollin baannu wax aydaan arkayn ku aragnaa’.
Arrintu wax ay gaadhay reerkaa in la gu naanayso “Reerka jacaylka u dhinta”.

Gabayga Cudri iyo qofka tiriya waxaa la gu yaqaan dabeecado badan oo aan Carabta dhaqan u ahayn. Wax uu ahaa jacayl xad’dhaaf ah oo qofka uu ku dhacaa u waasho ama u dhinto. Wax uu ahaa jacayl qofka qabaa qofka uu jeclaado isku koobo, in uu helo iyo in uu waayaba, oo qof kale eegi waayo. Wax uu ahaa nooc jacayl ah oo ahaantiisa macne u leh, qofkuna xanuunka ku raaxaysto halkii in uu ka raysto isku dayi lahaa. Wax uu ahaa gabay asturan oo ninku marka uu gabadha sifaynayo aanu jidhkeeda ka la dhigdhigin, dareenkana qaawin, sidii Carabtu samayn jirtay. Wax uu ahaa jacayl ninku gabadha diidday ama loo diiday uuna haddana marnaba iyada iyo reerkeeda colaadin ee maamuuso. Wax uu ahaa jacayl qofka la jecel yahay xitaa haddii uuna isagu wax jeclayn qofka kale u muujiyo wanaag iyo xaqdhawr.

Xaaladahani wax ay keeneen in gabyaaga wax jecel loo gu magacdaro gabadha uu jecel yahay. Tusaale ahaan saddexda nin ee u gu gabay macaanaa oo ka la ahaa Qays, Jamiil iyo Kuthayar waxaa loo bixiyay hablihii ay jeclaayeen: Qays-Leyla, Jamiil-Butheyna, Kuthayar-Caza.

Gabaygan dunida oo dhan waa la ga daraaseeyaa maanta weli, waxaana yaab dhaliyay sida dadkii lamadegaanka oommanaha ku noolaa, ee reer miyiga ahaa, ee ka tirsanaa dhaqan Carbeedkii aadka u qallafsanaa, ay u yeesheen quluubta sidaa u nugul iyo gabayga sidaa u debecsan! Waxaa loo arkaa xaalad noloshii Carabta ka soocan oo ah waxa afka qalaad la gu yidhaahdo phenomenon ama daahirad. Yaabkaasi wax uu keenay in dad ku sheegaan cudur nafsi ah oo faafay, sida uu qoray tusaale ahaan aqoonyahan reer Suuriya ah oo la odhan jiray Saadiq Jalaal Alcadam.

Innaga fankii bilowga ahaa ee aynnu u bixinnay Qaraami, run ahaantii wax uu ahaa wax ka soocan dhaqanka sooyaalka ah ee Soomaalida. Dadkii geeljiraha iyo dagaalyahanka ahaa, ee sida libaaxa duurgalka ahaa, ee sida waraabaha adkaysiga badnaa, mar keliya ayaa quluubtooda naxariisi ka soo afrogantay, oo halbowlaha dhiig ka soo burqaday. Sidii aan beri fog maqaal ku sharxay Qaraamigu wax uu ka soo bilowday maansadii Cilmi-Boodhari, wax ayna ahayd xaalad gaar ah – phenomenon.

Comments

comments