Gorfayn buugga ”Taariikhda Soomaalida – Xogogaalnimo u badan”

0
1030

Waxa Qoray Ibraahin-hawd

Gorfayn buugga ”Taariikhda Soomaalida – Xogogaalnimo u badan”

Jaamac Maxamed Qaalib
HudHud books 2019

Gorfeynta buugaagta iyo guud ahaan arrimaha dhaqanku waa xilka saxaafadda, ujeeddooyinka u gu waaweyn ee taa la ga yeeshana waxaa ka mid ah:

  1. In dadka la ogaysiiyo jiritaanka buugga, oo la is baro buugga iyo akhristaha
  2. In la soo bandhigo mawduuca iyo xogta buuggu xambaarsan yahay lana qiimeeyo tayadiisa taas oo dadka la socodsiisa fikirka, aqoonta iyo dhaqanka jira
  3. In la tilmaamo lana saxo waxii gef iyo gaabis aqooneed ama qoraal ah ee buuggaa ku jira si loo gu baraarugo

Haddaba buugga ciwaankiisu yahay ”Taariikhda Soomaalida – Xogogaalnimo u badan”, oo markii kowaad iyo markii labaadba Muqdisho la gu daabacay sannadihii 2018 iyo 2019, sida bogaggiisa ka dhex muuqata, qoraaga oo ah janan Jaamac Maxamed Qaalib wax uu ka lahaa laba danood. Danta hore waa in uu ku saxo wax uu ku sheegay xogo qaldan oo ay faafiyeen labada oday ee ka la ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dhintay, iyo Cawil Cali Ducaale oo ahaan jiray sarkaal millateri, danjire iyo siyaasi, kaas oo maanta ku sugan Hargeysa. Ujeedka labaad ee Jaamac-Yare buuggan ka lahaa waa in uu dadka u soo tabiyo waxii uu ka ogaa ama ka soo gaadhay taariikhda cusub ee Soomaalida.

Halkan waxaa qumman in aynnu tilmaanno sideedaba soo tabinta taariikhdu in ay tahay laba mid uun: 1) Sooyaalka fog ee aynnaan soo gaadhin ama cid soo gaadhay inoo sheegin, taas oo u baahan barasho, takhasus iyo baadhitaan loo gu banbaxo, qoristeeduna waa hawl u taalla dadka loo yaqaan taariikhyahannada. 2) Taariikh la la noolaaday ama xogteeda tooska ah si uun loo hayo, waana xusuus nololeed ama ciddii soo gaadhay la ga soo tabiyo.

Haddaba Jaamac Maxamed Qaalib oo kale taariikhda aynnu u ga baahan nahay ee uu hayn karaa waa tii uu la soo noolaa, xogteeda hayay ama wax ka ogaa, ama isaga si toos ah ama dadban u soo gaadhay. Taas baa badan oo muhiim ah meel weynna ka galaysa taariiklhda guud ee Soomaalida cusub. Run ahaantiina waxtarka buuggani waa taa. Sidaa darteed buuggan intiisa hore oo dhan (bogga 27 ilaa 74) Jaamac wuu ka maarmi lahaa, waayo waa is ka taariikh guud oo cid waliba wax ka hayso cid walibana wax ay doonto ka odhan karto, waana tii aynnu sheegnay ee u baahan barashada iyo takhasuska gaarka ah. La ga soo bilaabo imaatinkii reer Yurub ee Carrada Soomaalida, labaatankii sano ee u dambeeyay qarnigii 19-aad, ilaa maantadan aynnu nool nahay qoraagu wax aad u badan oo loo baahnaa buu ka hayaa kana sheegay. Mawduucyada buugga oo ka la ah Gumaysigii, Horumar siyaasad soomaaliyeed, Gobannimo Soomaaliyeed iyo midow, Iskuday inqilaab dhicisoobay 1961, Sirdoonka amni ee Qaranka Soomaaliyeed, Dagaal beeleed sokeeye 1965-67, Dawlad danbeeddii rayidka, Xukunkii askarta, Halgankii xornimada Jabbuuti, Kooxihii riday xukunkii askarta, Doorkii Jabbuuti ee nabadaynta Soomaalida, intuba waa mawduucyo la ga kororsanayo xog iyo taariikh urursan oo aad iyo aad u muhiim ah.

Burburka dhaqameed iyo dibudhaca Soomaalida ku habsaday meelaha uu ka muuqdo in ay ka mid tahay sida ay u yar tahay garasho iyo aqoon dhab u qorta, si qumman u qiimaysa, runna u taariikhaysa waxii dhacay sababihii ay u dhaceen iyo sidii ay u dhaceen. Wax uu qofka Soomaaliyeed ka yidhaahdo waayaha foosha xun ee jira badanaa waa wax u dhigma oo la miisaan ah garashadii awalba keentay in waxii dhacay dhacaan. Qofku caadi ahaan kolka uu rabo in uu arrimaha umaddiisa ka hadlo (maqaal, buug, muxaaddaro, waraysi iwm), inta badan wax aad mooddaa in uu meel is ka soo dhigay xilkasnimadii, runtii, xishoodkii iyo caddaaladdii, dabadeed waxa uu doono ku hadlayo, una heellan yahay oo keliya faaninta iyo koolkoolinta naftiisa ama tolkiisa, labadaana garta iyo xaqa oo dhan siinayo, gefka iyo gardarrada oo dhanna ka moosayo. Dabadeed qofkii xogta la ga martiyay ee xogogaalnimada la biday wax uu jabiyaa rikoodhkii mid isaga ka horreeyay dhigay xagga beenta iyo ambinta taariikhda.

Xaaladda caynkaas ah ee xogogaalkii Soomaaliyeed badankooda la ga la kulmay iyo aammin darradaa xididdaysatay wax ay keentay in la waayo taariikh Soomaalida ka dhaxaysa oo la gu wada kalsoodaado. Dhanka kalena taasi dadkii wax ay gayaysiisay in aad loo weyneeyo oo la gu kalsoonaado eray kasta oo qof shisheeye ahi ka yidhaahdo Soomaalida iyo ammuuraheeda, shisheeyahaas oo aan dabcan Soomaalida u ga xogogaalsanayn arrimaheeda laakiin la bidayo daacadnimadii iyo dhexdhexaadnimadii dadkeedii la ga waayay.

Wax aan daawaday waraysiyo badan oo taariikhda cusub ee Soomaalida la ga la yeeshay dad xog la gu maleeyay, wax aan akhriyay qoraallo badan oo ay dad caynkaasi ahi qoreen ama la ga qoray, xaqiiqada aan maanta og ahayna waa in qofka Soomaaliga ahi xilkas iyo runlow ka ahayn soo gudbinta waxa uu og yahay. Asalkaba Soomaalida casrigani wax ay ku caanbaxday been, daacad darro iyo ballanfur, taana innaga oo dhexdeenna is ku og shisheeyaha ina bartayna aad buu innoo gu xantaa. Waxa kowaad ee taa u dhintay ee maanta u mootani waa tabinta taariikhda ummadeed oo maktabaddeedu haawanayso ama been iyo belo la gu dhaamiyay. Kol haddii la waayay taariikh dhab ah iyo xog la gu kalsoonaado waxaa adkaanaysa daraasaynta iyo qiimaynta waayaha Soomaalida, waxii tasoobay iyo waxii toosayba, taas oo markeeda mugdi galinaysa sidii wax loo sixi lahaa maanta iyo berriba.

Aniga oo taa maanka ku haya runtii Jaamac Maxamed Qaalib wax uu ka mid yahay dad tiro yar oo aan xogtooda badankeeda ku kalsoonaado, waayo wax aan u arkaa in ay ku yar tahay cilladihii aynnu soo xusnay: naf ammaanid, qolo ammaanid ama difaacid, qolo kale maagid iyo in dhacdada la soo tabinayo la xigtaysto ama la colaadiyo. Odayga buuggan qoray haddaba aniga wax uu ii gu qiimaysan yahay:

  • In uu yahay nin waqti aad u dheer ku soo jiray dhacdooyinka Soomaalida cusub heerarka u gu sarreeya iyo huluulaha u gu qarsoon.
  • In uu yahay nin la gu tilmaami karo ”rasiin” xasilloon oo ay Soomaalinnimadiisa, aragtidiisa iyo masuuliyaddiisuba sal adag ku fadhiyaan.
  • In uu yahay nin siyaasad ahaan waaqica la nool (realistic) oo aan hawaraac ahayn.
  • In uu yahay nin xakameeya caadifaddiisa reernimada taas oo Soomaalida badankeeda daaduumisay.
  • In uu yahay nin aanay ishiisu maalin qudha ka libiqsan Imbaradooriyadda Xabashida iyo damaceeda halista ku ah gobannimada Soomaalida, maalin hore iyo maantaba.
  • Dhinaca kale waa nin aan labada reer ee isu haysta in iyagu dawladda Talyaani ka dhaxleen aan runta u sheegin kana dhiidhiyin, oo sedbursiga ay barteen ku oggol, waxaas oo dhanna ay isaga ka la xun tahay in maamul gooni ah Waqooyiga la ga dhisay.

Qodobka u dambeeyaa waa run oo Jaamac Maxamed Qaalib wax uu oggol yahay in dhaqan xumooyinka siyaasadeed ee Koonfur yaalla oo sidooda ah Soomaalilaand la gu dhex tuuro, markaa ka dib xal loo wada raadiyo. Taasi waafiqi mayso niyadsamida iyo waddaniyaddiisa aynnu qirsan nahay.

Cutubka kowaad ee buugga oo qoraagu ciwaan u ga dhigay ”Sixitaan qoraallo lid ku ah taariikhda” wax uu si kulul u gu daaddafaynayaa wax badan oo labada oday ee ka la ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Cawil Cali Ducaale arrimaha Soomaalida ka yidhaahdeen, kuwaas oo uu ku tilmaamayo xog la’aan, ismoodsiis iyo marar badan been qaawan oo badheedh ah. Aniga oo akhriyay buugga Cabdillaahi isaga oo nool la ga qoray ee ”Halgan iyo hagardaamo”, is la markaa daawaday waraysiga taariikhiga ah ee Cabdisalaan Hereri Sanca ku la yeeshay, dhanka kalena akhriyay qoraallo door ah oo Cawil qoray, daawadayna xogwarran dheer oo uu warbaahinta siiyay, xaqiiqada ii cadi waa in labadoodaba Jaamac ka xogogaalsan yahay u gana dhow yahay ka run sheegista iyo ka daacad noqoshada dhacdooyinka. Labadaa odayba waxaa la arkayaa warkooda in ay ka buuxiyeen faanin qofnimadooda iyo hawlahooda ah iyo cid jeclaysi. Waxaa ku badan is garsiinta iyo is eed tiridda, taas oo ay xaqiiqo badan u dilayaan.

Iyada oo ay sidaas tahay dhaliisha Jaamac u hayo Cabdillaahi Yuusuf waa mid aragti siyaasadeed, halka isaga iyo Cawil toodu mowqifyo shakhsi u eg tahay. Labadaa nin midba masalo gaar ah buu ka ga duulay, oo sida muuqata isaga iyo Cawil murankoodu wax uu la soo bilowday iskudaygii goosashada Waqooyi sannadkii 1961, falkaas oo Jaamac si walba u macne tirayo, u eedaynayo una colaadinayo. Taa beddelkeeda isaga iyo Cabdillaahi wax ay ku ka la dhinteen arrimaha Xabashida.

Eedda kowaad ee Jaamac uu Cawil u hayo ee keenaysa in uu taariikhda ku colaadiyaa waa dhacdadii 1961, taas buuna dhaliilaha kale oo dhan ku xoojinayaa. Sida la wada og yahay bishii Diisembar ee sannadkaa kor ku xusan Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka dhacay iskuday afgembi siyaasadeed ay niman saraakiil ah oo Xasan-Kayd Cabdulle Walanwal hoggaaminayay ku doonayeen in ay waayaha dalka dib u gu celiyaan sidii wax ahaayeen 26 Juun sannadkii kaa ka horreeyay. Waxaa la is la ogaa oo xog guud ahayd iskudaygaas waxa keenay in ay ahayd tabasho degdeg ah oo dadka reer Waqooyiga ka ga dhacay midnimada, iyada oo qoladii Talyaanigu ka tagay awooddii dawladda oo dhan qaateen. Waxaa kale oo la ogaa sababta labaad ee gaar ahaan saraakiisha Waqooyiga kicisay in ay ahayd in iyaga oo ka soo baxay akaademiyadaha millateriga ee dunida u gu wanaagsan, darajadooduna Xasan-Kayd oo labaxiddigle ahi u gu sarreeyo, in askartii jaahiliinta ahayd ee Koonfurta la wada dallacsiiyay oo ay noqdeen kornayllo iyo tobannaan sarkaal oo iyaga ka wada sarreeya. Labadaa arrimoodba xaqiiqo ayay ahaayeen oo la gu ma murmin, cudurdaar kastaba ha loo yeelee.

Iskudaygii dib u goosashada Waqooyiga mowqifka diidmada ah ee Jaamac ka taagan yahay waa mid cad. Colaadinta dhacdadaa wax uu u adeegsanayaa arrimo badan oo uu ku qiimo tirayo kuna foolxumaynayo. Waxaa ka mid ah in uu yidhi saraakiisha reer Waqooyi ee iskudayga samaysay ma haysan kalsoonida bulshadooda mana matalayn, ma haysan taageerada madaxdii reer Waqooyiga, u ma danaynayn dadka Waqooyiga ee iyaga ayaa xukun doonayay, fikirkooda ku ma jirin in ay Soomaalilaand goostaan ee niman hinaasay bay ahaayeen. Dooddiisa kor ku sheegan Jaamac si uu u dhiso wax uu yidhi kacdoonka saraakiishu ka ma dhalan siyaasadda dalka ee wax uu ka dhashay askartii badnayd ee Koonfurta iyo Waqooyiga ee sarkaalnimada loo wada dallacsiiyay iyaga oo aan akaademiyad soo marin, maxkamadayntoodii waa been in dembi la gu waayay ee ogaan baa loo sii daayay oo cidina ma doonayn in intaas oo saraakiil dhallinyaro ah la laayo. Waa halkaa meesha aynnu lee nahay qisada Jaamac iyo Cawil, iyo dhanka kale Jaamac iyo iskudaygii goosashadu waa arrin shakhsi, waayo Jaamac qudhiisa ayaa ka mid ahaa askartii aan akaademiga ahayn ee saraakiisha noqotay. Jaamac isaga oo dambabasaya in reer Koonfurku askartoodii saraakiil u wada dallacsiiyeen wax uu qoray:

”Lixdii bilood baa dhammaatay dabayaaqadii sannadkii 1960, ka dib waxaa Waqooyi yimid saraakiil sare uu hoggaaminayay gaashaanle sare Maxamed Caynaanshe. Saraakiishii wax ay ogaadeen wax aan taliska Muqdisho ogayn, illeyn labadii ciidan is ku ma xidhnayne. Wax ay ogaadeen rag tababaran oo si fiican wax u qori kara una aqriyi kara, ciidankana dagaal iyo difaacba galin kara, qaanuunkii Ingiriisku u ga tagayna u oggolayn in ay saddex alifle dhaafaan, maadaama aanay akaademiyad wax ku soo baran, facoodii Koonfureedna wax ay wada ahaayeen saraakiil oo taxnaayeen xiddigle ilaa gaashaanle sare. Janaraal Daa’uud markii uu warbixintaa helay buu amray in dhammaantood la soo galiyo tababar sarkaalnimo si loo gu wada dallacsiin karo xiddiglayaal. Dhallinyaradii afgembiga is ku dayday waa ka hinaaseen. Wax ay ahayd sababtii labaad ee iskudaygii inqilaabka.”

Jaamac oo taa malaha aarsi ahaan u dabajoogaa wax uu xusay Cawil oo ciidanka xiddigle ka ga tagay in Maxamed Siyaad Barre kornayl u dallacsiiyay Dagaalkii 77. Sax iyo qaladba in eedahaa iyo kuwo kaleba Jaamac iskudaygaa u jeediyaa waa sida qudha ee saraakiishii Waqooyi ee aan hawlgalkaa ku jirini naftooda ku eed tiri karaan, waayo waa dhab in shacbiga Waqooyi waagaas wax weyn tirsanayay, loona baahnaa cid taa ka turjunta.

Arrinkaa kore haddii aynnu dhinac kale u rogno, Jaamac Maxamed Qaalib buuggan ku ma caddayn, sidiisabana ma caddeeyo, aragtidiisa ku aaddan cabashadii reer Waqooyiga ee ka dhalatay sedbursigii Koonfurta. Reer Waqooyiga oo wadajira ama ka la jira waa qasab in cidi u matasho doodda midaynta iyo ka la goynta, wada yeelashada dawladnimada ama ka la yeelashadeeda, berigii hore iyo berigan la joogaba, waayo midnimada iyo xuquuqda dawladdu noqon maayaan roob iskii cirka u ga soo daadanaya. Haddii la midoobayo waa waajib in la darso lana qeexo sida dadka Soomaalidu dalkooda iyo dawladdooda u gu wada noolaanayaan iyada oo aan loo jabin dhaxal Talyaani. Taa Jaamac Maxamed Qaalib muxuu ka qabaa?

Qoraagu sidii aynnu xusnay Cawil oo ay ku la tageen iskudaygii goosashada Waqooyi, tii hore iyo tan cusub labadaba, eedaha uu u miisayo waxaa ka mid ah in uu dagaalkii 1977 ka baxay, in uu shaqadii diblomaasiyadeed ee uu hayay ka tagay sirtii qarankana kashifay, in uu ka mid yahay u adeegayaasha Xabashida iyo in ay waddaniyaddiisu liidato. Dhanka kale Jaamac si uu u muujiyo Cawil iyo cid wal oo kaleba in uu u ga lexjeclo badnaa halgankii la gu ridayay maamulkii askarta wax uu buuggiisa ka xusay sidii uu isaga oo Muqdisho jooga SNM iyo mucaaradkii kaleba u la shaqayn jiray, foolxumooyinka taliskana dunida u gu gudbin jiray si qarsoon. Sida aan dareemayo doodda Jaamac rabo in uu halkan ka dhaliyaa wax ay tahay: si taliskii foolxumadiisa la is la wada qiray loo rido, dantu ma wax ay ku jirtay in debedda loo baxo oo Xabashi loo galo dalkana la gu soo duulo, mise in iyada oo sidayda dalka la joogo waxii suuragal ah la sameeyo? Wax ay i la tahay gartaasi Jaamac u hiilin mayso waayo taliskii aynnu ogayn nooca uu ahaa in gudaha la ga mucaaradaa suuragal ma ahayn iyada oo aan la gu dilin ama u gu yaraan god madow la gu gu illaawin. Haddii se Jaamac iyo rag kale oo badani iyaga oo gudaha jooga markii dambe dhiirradeen, dhiirrashadaasi wax ay ku timid taliska oo miciyo iyo ciddiyo beelay oo awooddii iyo haybaddii ka lumeen markii mucaaradkii hubaysnaa jilciyay. Jaamac qudhiisa ayaa is wayddiiyay markii uu safaaradaha shisheeyaha galab walba galayay ee xogta u gudbinayay sirdoonkii Maxamed Siyaad xaggee jiray? Dabcan sirdoon iyo millateriba waxaa daadduumiyay dagaalkii mucaaradka, sannadkii 1988 intii ka dambaysayna maamulku wax uu ahaa sakaraad liita oo saacad walba in uu quuluusho la filayo.

Jaamac Maxamed Qaalib isaga oo Cabdillaahi Yuusuf isagana markiisa taariikho badan ku burinaya sida muuqata wax uu ka ga duulayaa la socoshadiisii Xabashida oo ay aad u gu ka la fogaayeen. Cabdillaahi taariikh ahaan saddex marxaladood baa loo qaybin karaa noloshiisa siyaasadeed. Ta hore waa markii Maxamed Siyaad ciidanka ka saaray ee FIAT ka shaqaaleeyay, muddadaana sida xusuus-sheegyadiisa la ga wada narkayo wax uu ku noolaa ciil. Ciilkaa waxaa baday Maxamed Siyaad oo uu sidiisaba u diiddanaa iyo dilkii Cabdirashiid ka dib afgembigii talada la gu la wareegay oo uu u arkayay in isaga reerkooda la ga inqilaabay ayna ahayd in isagu u soo dhiciyo. Ta labaad waa iskudaygii afgembigii 1978, kaas oo eed loo ga dhigo in uu reeraysnaa, sidaana ku noqday bilowgii ka la furfuranka qabiilooyinka. Kol se haddii afgembigaasi fashilmay, raggii ka dambeeyayna wax la laayay iyo wax dalka ka firxaday noqdeen, is la markaa reerkii ay ka dhasheen awood dawladeed la gu waxyeelleeyay, eeddii loo jeedin lahaa oo dhan waxaa ka weyn oo la gu illaawayaa qabyaaladdii maamulku ka ga falceliyay. Qodobkaa Jaamac aad u ma faallayn in kasta oo uu qiray in Majeerteenka xadgudub la gu la kacay. Halkan qoraagu wax uu soo galiyay in Isaaqu ka mid ahaa dadkii Majeerteen laayay, taana dabcan wax uu u ga dan lee yahay in uu labadaa qolo ka la fogeeyo iyo in uu Isaaqa eedda xasuuqa sheeganaya qudhooda ku dhagareeyo waxa ay midnimada ku diidayaan dhiggeeda.

Qodobka labaad ee Soomaali aad u tiro badani Cabdillaahi Yuusuf ku khilaafsanayd waa mowqifkiisii Xabashida iyo xidhiidhkii uu la lahaa, taas oo lahayd laba marxaladood. Ta hore waa xilligii jabhadaynta iyo SSDF oo ahayd ciddii u gu horraysay ee Xabashi u gashay. Ta labaadna waa burburkii ka dib oo Cabdillaahi u gu darnaa hoggaamiye kooxeedyadii Xabashida talo saartay ee siyaasadda Soomaalida ku walaqay, aakhirkiina sabab u noqday in ay dalkiiba qabsato. Tallaabada hore waa la ga doodi karaa in Cabdillaahi iyo mucaaradkii kaleba ku qasbanaayeen iyo in beddel kale u furnaa, caadi ahaanna dadka wax eedeeyaa daacad ma aha waa Faqash taas oo cid wal oo maamulkii Maxamed Siyaad ka hor timid colaadisa. Cid wal oo ay kelitaliyihii dalka haystay colloobeen waxaa u bannaanayd in ay doonato awood kasta oo ay is ka ga celin karto. Haddaa ma hororkii baa la isu dhiibi lahaa oo dalka loo dayn lahaa? In Xabashida taageero loo doontaa Cabdillaahi Yuusuf ku ma koobnayn ee waa la ga sinnaa. Jaamac buugga wax uu innagu tusayaa Cabdillaahi in Xabashidu u yeedhin jirtay siyaasadda ay Soomaaliya ka damacsan tahay, oo tusaale ahaan Shirkii Qaahira iyada ayaa isaga ku burburisay, sidoo kale dawladdii Carta la gu soo dhisay.

Marxaladdii labaad ee Cabdillaahi Xabashida la shaqaystay si walba tii hore waa ay u ga duwanayd. Soomaaliya waa ay burburtay oo dad iyo dawladba dhulka ayay daadsanayd, sidaa darteed aad bay u gu nuglayd shisheeyaha, siiba Xabashida. Xaaladdaa waxaa waajib ahayd in qof wal oo xilkas ahi ka taxaddaro faragelinta Itoobbiya, waayo taariikhda ayaa sidaa ina faraysa, oo halista ku jirtaa waa mid sida cadceedda u muuqata. Sidaas oo ay ahayd Cabdillaahi wax uu dhago li’i indho li’i u gu yoto’ay in ciidanka Xabashida oo dalka la soo galiyaa tahay dawada keliya ee cudurka Soomaaliya. Taasi runtii wax ay ahayd arrin aad u yaab badan. Cabdillaahi iyo dadkii la aragtida ahaa wax ay la ahayd in qabsashada ciidamada Xabashida ee Soomaaliya iyaga laba danood u gu xaqiiqoobayaan. Ta hore waa in ay awoodda Xabashida ka ga adkaadaan ciddii ay iyaga is hayeen, ta labaadna waa in iyaga Xabashidu wax ka dhigto oo ay dalka xukumaan.

Kolkii qorshihii Cabdillaahi iyo saaxiibbadii rumoobay, ee dhammaadkii sannadkii 2006 Xabashidu Soomaaliya ku qabsatay cudud ciidan oo Maraykanku galbinayo, waxa u gu yar ee ka dhalan karayay wax ay ahayd in Xabashidu markaa ka dib Soomaalida ka ilhesho oo ka haybaysan waydo, sida ay doontana gudaha Soomaaliya u gu dhiirrato, iyo dhanka kale Soomaalida oo hankeedu jabo marka caasimaddooda iyo xeebahooda calanka Xabashidu ka babbado. Run ahaantiina niyadda iyo sharafta Soomaalida marxaladdaa waxaa badbaadiyay xoogaggii Muqaawamada (Wax iska caabbinta). Waxaa se iyaduna yaab leh, oo nabsi iyo nasiib darro labadaba Cabdillaahi Yuusuf ku ahayd, in uu qudhiisu labadaa marxaladood ee uu Xabashida raacay mid walba markii dambe si rasmi ah u ga qoomamooday. Cabdillaahi wax uu geeriyooday isaga oo qiray in uu qaldanaa ee aanay Itoobbiya marnaba oggolayn dawlad iyo midnimo Soomaaliyeed.

Haa, Itoobbiya kolkii ay Cabdillaahi saxiixiisa madaxnimo dhulka Soomaalida ku qabsatay, ee ku kaceen quwadihii iscaabbinta (Muqaawamada), ayay isaga ka maarantay, goortaas buu is arkay isaga oo cidla taagan. ”Itoobbiya waa walaalaheen oo iyada ayaa dawlad innaga dhigaysa” Cabdillaahi waxaa u xigtay ”Itoobbiya Soomaalida u ma oggola dawlad iyo midnimo”. Wax uu si buuxda u burburiyay idil ahaan siyaasaddii uu weligii u taagnaa iyo aragtidii uu Xabashida ka bixin jiray, ee ay Soomaali badan oo Jaamac Maxamed Qaalib u gu horreeyo ku ka la dhinteen.

Haddaba innaga oo aan faahfaahin, dhacdooyinka uu Jaamac taariikhayntooda Cabdillaahi ku diiddan yahay marxaladahaas ayay ku filiqsan yihiin.

Haddii aynnu guud ahaan eegno arrinka Soomaalida iyo Xabashida, horta dadyowga deriska ah Ilaahay baa is baday, wax ayna ku qasban yihiin in ay gartaan oo ka shaqeeyaan sidii ay u wada noolaan lahaayeen. Laakiin Xabashida iyo Soomaalidu waa mar ee deris maba ah, waayo ”Xabashi” waxaa la yidhaahdaa Amxaarada iyo Tigraayga oo aan midkoodna qoomiyad ahaan Soomaalida deris la ahayn. Waa marka labaad ee dadka Xabashidu Geeska Afrika wax ay ka geysteen welina ka wadaan gumaysi iyo addoonsi baahsan oo ay ku la kaceen qoomiyadaha ay Soomaalidu ka midka tahay. Marka saddexaadna dadka Xabashida oo magaca Itoobbiya ku xilqarsadaa waa imbaradooriyad damac xun oo aan dhab u aqoonsanayn jiritaanka dad iyo dal Soomaaliyeed iyo soodhintooda, Jamhuuriyadda Soomaalida ee xorta ahina dhab ahaan iyaga wax ay u la mid tahay Soomaalida ay gumaysiga ku haystaan. Taariikhda iyo siyaasadda Xabashida ayay taasi ku cad dahay.

Xogaha aanan buuggan ka helin ama sidii aan u ogaa si ka leexsan qoraagu u xusay waa qabqabashadiii Ismaaciil Cali Abbokor iyo Cumar Carte Qaalibn kuwaas oo Maxamed Siyaad dil ku xukumay. Wax aynnu ogayn nimankaa in loo cuskaday in ay ku lug lahaayeen arrimihii Waqooyiga ka aloosnaa, taana u gu xidhmeen dalal Ciraaq ka mid tahay, laakiin xadhiggooda Jaamac wax uu ku sheegay wax ka dhalatay dareen shakhsi ah oo Maxamed Siyaad ka qabay kaalintooda siyaasadeed. Dabcan cidina Jaamac u gu ma war roona arrintaa xaqiiqadeeda, haddana mooyi sababta uu sidaa u yeelay.

Innaga oo xogta ballaadhan ee buuggu xambaarsan yahay labadaa qodob ka ga ekaanaynna, guud ahaan wax uu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee ku aaddan guud ahaan arrimaha Soomaalida gaar ahaanna midnimada ama ka la go’a Waqooyi iyo Koonfur.

Sidee buuggu u qoran yahay?

Buuggu farsamo ahaan (hab-qoraal ahaan) si liidata ayuu u qoran yahay. Waxaa ku xusan afar qolo oo buugga hawshiisa midba meel ku lee yahay, afartubana dhaliisha qoraal xumada waa ay u siman yihiin.

  1. Axmed Maxamed Saleebaan oo Jaamac ku sheegay ”khabiirka Af Soomaaliga” waxaa buugga ku xusan in uu isagu tifatiray, khabiirnimadaas iyo tifatirkaasina haba yaraatee buugga ka ma muuqdaan ee taa beddelkeeda ayaa ka muuqata.
  • Madbacadda daabacday oo la yidhaahdo HudHud Books oo Muqdisho ku taal, taas oo haddii ay wax saxayso magaceeda sixi lahayd. HudHud magacu ma noqon karo ee waa in uu noqdaa Hud’hud, waayo magaca xaraf weyni dhexda ma gali karo.
  • Looh Press oo ah shirkad sheegtay in ay buugga faafisay iyadana tayadeeda waxaa kaa ga filan iyada oo buugaag Af Soomaali ah faafinaysa in aanay magaceeda Soomaali ku qor garan. ”Loox” oo ah magac qurux badan wax ay ku dileen ”Looh” taas oo macne kale meesha keentay.
  • Qoraaga oo ka mid ah dadkii iyaga oo waaweyn Far Soomaalidu hirgashay, markaa ka hor iyo ka dibna af qalaad wax ku qori jiray, sidaa darteed hab-qoraalka togan ee Af Soomaaligu ma galin dhaqankiisa qoraalka. Taas oo jirta haddana sideedaba qoraagga waajibkiisa kowaad waa gudbinta farriinta, tayaynta farta iyo tifatirkana waxaa is ka leh cidda loo xilsaaro ama ka shaqaysata.

Tusaale ahaan maxaad ka odhan kartaa hab-qoraal sidan u dhigan:

Anig’oo, Innag’oo, Annag’oo, Adig’oo, Idink’oo, Isag’oo, Iyad’oo…

Hadd’aan, Hadd’aad, Hadd’uu, Hadd’ay, Hadd’aannu, Hadd’aydun, Hadd’ay…

Mark’aan, Mark’uu … Wax’aan, Wax’aad … In kast’oo, Kast’uu, Kal’oo

Int’uu, B’uu, Kaddib, Lehdahay

Intaa ku ma eka ee aad buu u badan yahay hab-qoraalka buugga ku jira ee aan kolley aniga i la qummanayni.

Guud ahaan buuggu, sidii aynnu sheegnay, waa buug wax aad u badan innaga baraya dhacdooyinkii taariikhda cusub ee Soomaalida. Waana kan iyo heer la mid ah qoraallada aynnu u ga baahan nahay dadka xogogaalka ahi.