Shirkadda Dahabshiil oo bogaadisay tallaabada deyn cafinta Soomaaliya

0
275

Ganacsatada Geeska Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ugu yabooheen Soomaaliya cafinta deymaha lagu leeyahay.

Maalmo ka dib markii dalka Geeska Afrika (Soomaaliya) loo ogolaaday in uu ka mid noqdo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ganacsatada ayaa sheegay in 4.5 bilyan oo dayn ah oo US Dollar ah (qiyaastii 600 bilyan oo Sh.Sh) ee Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ay ka cafiyeen aysan sii xoojin doonin oo kaliya dhaqaalaha curdinka ah ee dalka laakiin sidoo kale kor u qaadayso shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga gobolka oo muddo dheer la ildarnaa xasillooni darro siyaasadeed, dhaqaale iyo cimilo.

Shirkadda xawaaladaha ee ugu horraysa Afrika ee Dahabshiil ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhawaysay tallaabada ay qaadeen labada hay’adood ee maaliyadeed ee caalamiga ah, waxaanay sheegtay inay dhiirigelin doonto horumarka ganacsiga.

“Deynta US 4.5 milyan ah ee Bankiga Adduunka iyo IMF cafiyeen waxa ay xoojin doontaa dhaqaalaha, kor u qaadi doontaa shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Dahabshiil.

Dahabshiil waxa uu intaas ku daray: “Annagu ka shirkad ahaan waxa aanu had iyo jeer u taagannahay horumarka dhaqaale iyo horumarinta ganacsi ee gobolka”.

Waxa kale oo uu Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Ducaale yidhi, “Gobolku wuu furmayaa, deyn-cafintu kuma koobna oo kaliya kobac gudaha ah ee sidoo kale gobolka Bariga Afrika oo war wanaagsan laga helay balaadhinta EAC. Deyn cafintu waxay u furaysaa fursado badan oo maalgashadayaasha ah taasna waxay shaqo u abuuri doontaa kumanaanka kun ee dhalinyarada ah ee gobolka waxayna gacan ka geysan doontaa dhismaha dhaqaalaha” ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa uu intaa ku daray, “Gobolku waxa uu leeyahay saami-qaybsi bulsho marka loo eego tirada dadka ku nool. Ganacsatadu waxay tan u arkaan fursad muhiim u ah ganacsiga. Dahabshiil ahaan, waxaanu maalgashi waara ku samaynay wadamo badan oo qaaradda ah, waanan soo dhawaynaynaa tallaabadan ay qaadeen IMF iyo Baanka Adduunka. Waxaan hadda kaalin weyn ka qaadan doonnaa kobaca dhaqaale ee gobolka iyo qaaraddaba”.

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ansixiyay deyn cafinta Arbacadii (usbuucii hore). Labada hay’adood ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah.

“Waxay horumarro la taaban karo ka samaysay dib u dhiska dhaqaalaheeda iyo hay’adaha,” ayuu yidhi Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya, Jihad Azour.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa ayaa tidhi. “Waxay hirgelisay dib-u-habayn muhiim ah oo lagu taageerayo kobaca dhaqaale, dhimista faqriga, maaraynta maaliyadda guud iyo maareynta deynta.”

Dhaqaaluhu wuxuu si weyn ugu tiirsanaa lacagaha ay soo diraan bulshada qurbaha. Cafinta daymaha, waxa la rajaynayaa in deegaanku noqdo mid ku haboon maalgashiga iyo kobaca, dabcan waxay sii dhiirigelinaysaa xawaaladaha qurbaha.

Daraasad ay sameysay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM sanadkii 2021 ayaa lagu sheegay in 67% dadka Soomaalida ah ee lacagaha ka hela eheladooda dibadda ay yihiin shaqo la’aan.

Xubnaha qurba-joogta ah ayaa sannadkiiba lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar u dira saaxiibadooda iyo qaraabadooda ku nool gobollada Soomaaliya, taasoo ka badan dhammaan gargaarka bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed ee ay dalka siiyaan.