Arrimaha Caafimaadka: Hepatitis B (Joonis Cad)

0
115

Arrimaha Caafimaadka: Hepatitis B (Joonis Cad)

Waa mar kale iyo qormooyinkii caafimaad ee taxanaha ahaa oo aynu maanta ku faaqidayno cudurka Hepatitis B.

Cudurka hepatitis B waa caabuq haleela unugyada beerka isla markaana uu keeno virus loo yaqaano Hepatitis B virus. Cudurkan ayaa ah mid dhibaato weyn oo caafimaad ku haya dunida guud ahaan, gaar ahaan dalalka soo koraya.

Cudurkan ayaa aafeeya dad badan oo ku nool dalal kala duwan isla markaana keena dhimasho badan sannad kasta, 887,000 ayaa u geeriyooday cudurkan 2015 kii sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka aduunku (WHO).

Habka ugu badan ee uu ku gudbo cudurkani ayaa noqday xilliga dhalmada oo hooyadu u gudbin karto ilmaheeda. Waxa kale oo aad caan u ah in ay kala qaadaan cudurkan lamaanaha is qaba. Ma aha intaas oo qudha balse waxa lagu kala qaadaa si uun haday qofka u soo gaadhaan dheecanada jidhka ee kala duwan sida dhiiga, candhuufta iyo wixii la hal maala oo sida virus-kan. Irbadaha, gadh xiirta iyo wax kasta oo ku sari kara oo lala wadaago qof bukaan u ah cudurkan ayaa gudbin kara cudurkan. Virus-kan waxa uu ugu yaraan 7 cisho ku noolaan karaa jidhka dibadiisa, iyada oo uu weli keeni karo cudurkan. Virus-kan ayaa lagu helaa baadhitaanada 30-60 cisho ka dib marka uu jidhka soo galo.

Dadka waaweyn ee caabuqani haleelo ayaa 5% uu noqdaa mid ay weligood la noolaanayaan (chronic) halka uu caruurta 95% uu noqdo mid muddo dheer jidhka ku jira.

Hadaynu milicsano astaamaha lagu yaqaan cudurkan waxa ka mid ah:-

Matag
Yalaalugo
Calool xanuun
Xummad
Maqaarka iyo indhaha oo huruud noqda
Kaadida oo midabkeedu doorsoomo
Jalka oo uu qaadan waayo
Cudurkan ayaa noqda mid laga bogsado ka dib marka uu difaacu ka saaro jidhka, iyada oo inta badan qaadata mudo ka yar 6 bilood. Halka uu mararka qaar noqdo mid lala noolaado kaas oo horseeda mid ka mid ah kansarka beerka ku dhaca iyo inuu gebi ahaanba hawl gabo beerku.

Baadhitaano la xidhiidha nooca dheecaanada difaac ee jidhku samaystay iyo walaxda virus ka ayaa lagu sar-jaraa hadba nooca uu yahay.

Ma jirto dawo rasmi ah oo uu leeyahay cudurkani. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in bukaanka laga joojiyo dawooyinka aan daruuriga ahayn sida xanuun biiyaha / xumad jabiyaha. Waxa kale oo la adeegsadaa mararka qaar dawooyin hoos u dhiga tirada virus ka jidhka gudihiisa laga heli karo.

Cudurkan ayaa leh talaal ka hor-tag ah oo aad u fiican isla markaana 98-100% qofka uu ku jiro cudurkan iyo wixii ka farcama waxa la qaataa 3-4 goor oo kala duwan mudo bilo ah gudahood.

Bulshadeena waxa aan si gaar ah ugu baraarujin lahaa in ay qaataan tallaalka Hep.B isla markaana ay feejignaadaan si gaar ah marka timaha la xiiranayo ( Ragga ) iyo goorta ay habluhu dalooshanayaan dhagaha iyo sanka kuwaas oo ah dhacdooyin gaar ahaan bulshadeena kor u qaadi kara fiditaanka cudurkan.

Beerka oo xanjooba, beerka oo fadhiista iyo qaar ka mid ah kansarada beerka ayaa ah kuwo ka isirma cudurkan iyaga oo ka halis badan isla markaana kor u qaada in loo dhinto cudurkan.

Farriinta ugu muhiimsani waa in aad is talaasho isla markaana tallaal ka ku booriso qof kasta oo aan qaadan. Qaado talaalkaaga ka hor inta aanu kula soo dersin cudurkani.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com

Comments

comments