Jidka Toosan ee Dhalinyaronimada – W.Q. Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

0
1260

Marka aan ka hadlaayo jidka-toosan ee dhalinyaronimadda, Maaha mid aan si malo-awaal ah maskaxdayda aan uga abuurayo, mana aha mid aan qoraalo iyo meelo kale kasoo maan-guurinaayo, ogow akhriste jidka toosan ee aan tilmaamayaa maaha wax cusub oo aan kugu soo kordhinaayo, laakiin waa mid maskaxda caafimaadka qabta ee ku jirta jidhka bani-aadam caafimaad qabaa uu mar kasta ku fikiri karro.

Xulida lamaane diin iyo akhlaaq lihi waa dariiqa jidka toosan asaaska u ah, Xulidda hooyadda wanaagsan ee diinta lehi, iyo aabaha akhlaaqda lihi waxay asaas u yihiin sii jiritaanka mustaqbalka wanaagsan ee ubad iyo dhalinyaro ka badbaadda wax kasta oo xumaan ah, Sharciga islaamkuna waxa uu ina farayaa doorashadda iyo isku xulashadda diinta macaan ee islaamnimadda.

Jidka toosani waxa uu sidoo kale ka bilaabmaa habeenka ugu horeeya ee lamaanaha isguursaday ku kulmayaan galmadda(sariirta) taas oo macalinkeenii, suubanihii Nabi Maxamed Csw uu inoo sheegay in ilmaha yar lab iyo dhadig midkuu doonaba ha ahaadee in loo xirsi xidho habeenka kowaad ee caloolsha uu gelayo. Halka marka hore khayr la weydiisanaayo misna shaydaanka laga fogeynaayo, Rabina laga magan gelaayo shaydaanka Ooridda ama gabadha cusub ee Ninku guursaddo Isaga oo odhanaaya Illahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrkeeda, iyo wixii lugu abuuray ee khayr ah, iyo wanaag ah Rabbiyow waxaan kaa magan gelayaa sharkeeda iyo wixii lugu abuuray ee shar ha.

Nabigu wuxuu ina faray in la odhanaayo Bisinka allaah u qabtay galmaddan, illahayow shaydaan naga fogee, oo waxaad nugu arsaaqdo oo ubad ah shaydaan ka fogee

“……………….. Suuratul Maryam”

Nabigu wuxuu yidhi Haddii habeenka aad Xirsi xidhatay ubad lagaa beero, waxaa dhab ah in aan shaydaan kaa duufsan Ilmaha yar kadib dhalashadiisa waxaa waajib ku ah waalidka in diintiisa iyo akhalaaqdiisa laga fikiro, oo sida caanaha , cuntadda iyo waxbarashadiisa looga fikirayo in akhlaaqdiisa iyo diintiisa looga fikiro.

Nabigu Csw sidoo kale wuxuu inoo sheegay “In ilmaha aad dhashay Xaq  kugu leeyahay” ……. Dadkeenu waxay u yaqaan xaqan uu nabigu inoo sheegay in ay tahay dhergin cuntadda ah iyo waxbarasho; sidoo kale uu yahay ciyaarta iyo ilmaha oo u madax-banaanadda waxa uu isagu jecelyahay.

“Todoba jir marka ay gaadhaan in salaadda la baro, 10 jirna lugu qaraaco, gogoshana lugu kala kaxeeyo” Waa toobabar lagaga hortagaayo in marka ay caruurtu hana qaaddo ka leexdaan Khaladka isdhex boodka, haddii aan tan la samayn ubad aan xishood lahayn ayaa kasoo dhex baxaaya bulshadda muslimka ah, marka dambena ku dambayn doona dhalinyar ka leexatay wadadii saxdda ahayd.

“Waxaa la weydiin waalidka, Ilamaha ma tarbiyeysay?, Ma ku xidhay illahay? Meel wanaagsan makagasoo tagtay?.” Halka la weydiin doono ubadka“Wax ma ku baray? Akhlaaq wanaagsan ma kugu tarbiyeey?”.

_____ Qodobaddan Sare Waxaan kaga Hadli doonaa Cutubka 4aad ee Buuga__________

Xaga dhaqanka Somalinimadda iyo nolosha reer guuraaga oo ah nolol waxbadan ka duwan nolosha reer magaalka iyo dadka magaalada ku barbaara, ayaa inta baddan lugu kalsoonyahay in wiilka ama gabadha ku dhashay, kuna barbaaray deegaanadda miyagu ay caqli iyo maskax wanaag dheeryihiin dhalinta kale ee magaaladda, sidoo kale la qabsiga jidka toosan ……………………..

Tix-raac:

  1. Sheekh Abu-salmaan  –  Muxadaradii Dhalinyarada

La soco Q4aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer