“In Xisbiyaddu ay Beddelaan Qaab-Dhismeedka, Oo Hannaan Maamul Oo Kala Duwan La Sameeyaa Waa Wax Adduunka Ka Jirta.”. Xirsi Cali X.Xasan

0
1372

Xirsi Cali X.Xasan Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xilka Uu Ka Qaban Doono Xisbiga WADDANI

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii Isbahaysiga ee ku biiray Xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay sida uu u arko ku biirista Xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale xil ku cusub siyaasadda Somaliland oo la sheegay in loo magacaabayo oo muran ka dhex dhaliyey bulshada reer Somaliland kaasi oo ah in loo magacaabayo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Xirsi Cali X.Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay Xisbiga WADDANI ku heshiiyeen siddii loo wada dhisan lahaa Xisbiga WADDANI.

“Qaabdhismeedka Xisbiga iyo hannaanka Maamul ee loo bedeli karo iyo weli ba sida loo horumarin karo, sida oo kale shaqada iyo wada shaqeynta iyo barnaamijka la wada iibin karo ee dadka iyo bulshada loo bandhigi karo in aanu wax iska weydiino, way nala waafaqeen waxaas oodhan, waana aanu soo bandhigi doonaa wakhtigeeda.”.Ayuu yidhi Xirsi

Md.Xirsi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Horta Illaahay baa awood leh, Xisbi guna waxa uu lee yahay qaab dhismeed, annagu na runtii qaabdhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo ay ku dareen ba waanu isla waafaqnay, waana aanu la qaadanay, qaabdhismeedka in ay Xisbiyaddu bedelaan oo hannaan maamul oo kala duwan la sameeyaa waa wax aduunka ka jirta, oggolaanshiyahiisana waxa lagu caddeyn doonaa Golaha Dhaxe ee WADDANI, laakiinse waa wax jira oo dunida oo dhanna laga yaqaano, ma jiro tartan iyo is-garbin naga dhaxeeya Xisbiga e’ waxa aanu doonaynaa in aanu awoodahayaga aanu isku darno oo aanu dhammaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaan. “.