Somaliland: Gudoomiyaha SOLJA Oo Ka Hadlay Xadhiga Ciidamada Sirdoonka Somaliland Kula Kaceen Laba Wariye Oo Ka Hawl Gala Magaalada Hargeysa

0
866

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa wax lala yaabo iyo nasiib darro weyn ku tilmaamay xadhig af-duub ah oo maanta Gelintii hore Taliyaha Sirdoonka Gobolka Maroodi Jeex Mr. Muxsin Uu Kula Kacay Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Ibraahim iyo Agaasimaha Maamulka Iyo Xisaabaadka Ee Telefishanka BULSHO TV Md. Cabdi Xasan, kuwaasi oo ku sugnaa Huteelka Ceel-Sheekh Ee Magaalada Hargeysa wakhtigii ciidan uu ninkaasi wataa inta ay gaadhi ku qaateen ku xidheen guri ku yaalla badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac waxa uu nasiib darro ku tilmaamay xadhiga noocan oo kale ah iyada oo aan la ogayn wax dambi ah oo ay masuuliyiintaasi galeen isaga oo Guddoomiye XUUTO sheegay in in falkaasi yahay mid aan hore loogu arag Somaliland.