Itoobiya Maxay Uga Shakiday Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti?

0
669
Itoobiya Maxay Uga Shakiday Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti?
Madaxwayne Muuse Biixi In kasta oo sidii caadada u ahayd si rasmi ah aanu waxba uga sheegin safarkiisa Jabuuti hadana waynu ogayn sidii degdegga ahayd ee uu ku ambabaxay ka dib dhamaadkii shirkii EGAD.
Booqashadani shakiyada ka dhashay iyo ku tidhi kuteenku ha bato oo waa war la’aanta eh aniga mid keliya ayaan si gaar ah hoosta uga xariiqay dareenada shaki ee ka dhashay safarkan Madaxwayne Biixi. Kaas oo ah Madaxwayne Ismaciil Cumar oo markii ugu horeysay looga shakiyay waa yaan eh in uu la jiro Somaliland. Kolay sadexdii hogaamiye ee iyagu shirqoolka loogu magac daray ISBEDELKA CUSUB EE GEESKA AFRIKA ayuu shaki si gaar ah ugu abuuray kulanka Geelle iyo Biixi.
Hadaba anigu waxan u qaatay in warkaasi aan waxba ka jirin marka hore balse xaalku yahay LAYLIGU BIYAHA KASHIISA KU JIRA AYUU KA DIDAA iyo isbedelka runta ah ee marka la eego arimaha ka socda Geeska ka soo yeelyeeshay oo halis ku ah in uu gebi ahaanba fashilayo shirqoolkii ay wadeen oo runtii markiisa horeba aan ka duulayn xaqiiqada ee humaag iyo maleawaalkooda oo riyo maalmeed ahaa uun ku dhisnaa.
Hadda dalkii la odhan jiray Itoobiya ee jiray 2020ka sanadood xaaladiisa waynu ognahay. Sidii ay ku talogaleen Afwarqe, Abye Axmed iyo Farmaajo in khariidadii Geeska Afrika ay wax iska bedeli doonaan mustaqbalku waa suurtogal sida ay dadka qaar saadaalinayaan, balse sidee ayay isu bedeli kartaa ayaa la isku maandhaafsan yahay.
Faqii sadexda hogaamiye waxa laga akhri karay dibnaha RW Abye Ahmed. Mar wuxu sheegey in Itoobiya. Calatariya, iyo Somalia, oo dabcan iyaga xagooda ay Somaliland ku jirtaa aanay noqon doonin sadex waddan. Khariidaddu sida ay isu bedeli karto Wasaaradda Arimaha Dibadda ay si lama filaan ah barteeda Internet-kq iyagoo wixiiba gogga la isu wada geliyay marka laga reebo Jabuuti.
Hadda sida ay tahay xaaladda Itoobiya jartu way ku xun tahay Abye Ahmed hankiisiina wuu isa soo garay sida laga fahmi karo khariidaddan lama hubo sidii shirqoolku ahaa in isbedelka khariiradda Geesku ay noqoto balse waxay halis u tahay in jartu odayaasii faqay ay isku rogto oo isbedelki ku noqdo tu aanay uba fadhiyin.
Saw xaalkoodu ma noqon doono ninkii libaaxa dabinka u dhigay ee sakaaradu u gashay ee yidhi UMABA DABAN
Labadan khariidadood hadii ay midi rumoobayso tolow tee baa laga yaabaa in ay rumowdo? Mooyi Allahu yaclam