Somalia: Xarakada Al-shabaab Oo Ka Hadashay Qorshaha Kenya Ay Ku Xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Soomaalida.

0
856

Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay hadalka ka soo baxay Dowladda Kenya ee ku aadan inay xirayso Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo Xukuumadda Nairobi ay ku eedeysay inay ganbaad u tahay Shabaabka.

Markii ugu horeysay arintaasi ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, waxaana uu sheegay in ugu horeyn furnaanshaha Xeryaha Dhadhaab faa’iido weyn ay ku qabaan Dowladda Kenya iyo reer Galbeedka.

Cali Dheere wuxuu sheegay dhaqaalo badan inay ku helaan Kenyanka iyo reer Galbeed oo dadkooda kaga soo aruursada lacago badan oo ay ku sheegaan inay ku caawinayaan dadka Xeryahaasi ku jira.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa beeniyay wararka ku aadan in Shabaab ay iska soo dhex abaabulaan Xeryaha Qaxootiga dhexdooda oo ay weeraro ku qaadaan gudaha dalka Kenya.

“Mujaahidiinta kama suurtoowdo alle ayaana ka deeqay in ay xeryo ay ku noolyihiin shacab qaxooti ah ay iskasoo abaabulaan warkaas waa been ay Kenya marmarsiiyo uga dhiganayso dhibaataynta shacabka.”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Idaacada Al-Furqaan.

Sababta ugu weyn ee Kenya ay mar marsiyada uga dhiganayso Shabaabka ayuu sheegay inay tahay Kenya inay u dulqaadan weyday dhibaatooyinka kala duwan ee Shabaabka ay kala kulmaan oo ku aadan weerarada ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay markii horeba dadka Qaxootiga in lagu haayay dhibaatooyin badan oo isugu jira dil iyo Kufsi, sidaasi awgeedna Qaxootiga ay  yihiin dad dhibanayaal ah.