Somaliland: Maamulka Dawladda Hoose Degmada Berbera Oo Mamnuucday In Hiliblayaasha Magaalada Berbera Ay Qalaan Xoolaha Geela Iyo Lo’da.

0
712

Maamulka dawlada hoose degmada berbera gaar ahaana waaxda faya-dhawrka ee dawlada hoose ayaa amar kusoo rogtay dadka hiliblayaasha ah ee ka ganacsada qalitaanka iyo iibinta hilibka xoolaha loo yaqaaano geela iyo lo’da,waxana ay maamulkani mamnuuceen in hilib danbe oo geel iyo lo’ ah lagu qalo magalada berbera laguna iibiyo ilaa amar danbe kasoo baxayo.

Amarkan ay masuuliyiintu ku joojiyen qalitanka iyo iibinta hilibka geela iyo lo’da ayay ku sababeeyeen arimo la xidhiidha cafimaadka xoolaha, waxaana ay masuuliyiintani sheegeen inay indhahooda kusoo arkeen xoolo geel iyo lo’ ah oo aan caafimaad qabin oo inta la qalay bulshadii laga iibinayo, waxaana ay ka dhawaajiyeen in arinkani yahay mid halis ku ah caafimaadka bulshada magaalada berbera.

Sidoo kalena masuuliyiintani mamnuucday qalitaanka iyo iibinta hilibka geela iyo lo’da ayay waxay amar ku bixiyen hoteelada iibiya inanay iibin Karin, ilaa amar danbe kasoo baxayo, waxana ay sheegeen in hoteelkii lagu arko isagoo iibinaya hilibka geela iyo lo’da ay ganaax lacageed ka qaadi donaan ruqsada ganacsina ay kala laaban doonaan.

Aggaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo Fayadhawrka dawlada hoose degmada berbera mudanae Jimacaale Cabdillahi jaamac (Jimcaale Cawke) oo sharxaad ka Bixinaya sababta ay umabnuuceen in geela iyo Lo’da Berbera lagu qalo ayaa waxa uu yidhi.

”Saaka oo Jimce ah waxaanu guud ahaanba joojinay qalitaanka Geela iyo Lo’da lagu qalayo magaalada Berbera, sidoo kale waxaanu ilaa amar danbe aanu mamnuucnay in in Hilib geel lagu cuno magaalada, iyadoo shaqalaha dawlada hoose u qaabilsan Fayodhawrka guud ay hubinayaan Hoteelada cuntada kii lagu arkana lagala noqonayo Ruqsada ganacsiga”

Si kasteba ha ahatee arinkan aya ah mid lagu ilaalinayo cafimaadk bulshada kala duwan eek u dhaqan magaalada berbera iyaga oo ay jiraan dad qala xoolo aan caafimaad qabin,isla markaan ka iib geeya.