Italy: Kun Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Badbaadiyay Badda U Dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga.

0
1070

Kun qof oo Tahriibayaal ah ayaa laga badbaadiyay badda Halista Badan ee Mediterranean, kuwaasi oo doonaayay inay si sharcidaro ah ku galaan dalka Talyaaniga oo muddooyinkii dambe noqday marinka Afrikaanka ka galaan Yurub.

Dadkaan ayaa waxaa badbaadiyay ciidamada Badda Talyaaniga, kadib markii ciidamada gurmad ay u sameeyeen, xilli Qatar badan ay ku jireen nolosha dadkaan.

Ciidankaan ayaa dadkaan ka soo badbaadiyey Xeebaha Koonfureed ee dalkaasi, waxaana la sheegay in dadka qaar ay yihiin kuwo aad u liidta.

Ilaa hada lama shaacin dalalka ay u kala dhasheen dadkaan Tahriibka naftooda qatarta ku geliyay, hayeeshe waxa ay u badan yihiin dad Afrikaan ah, inkastoo ay ku jiraan kuwa u dhashay Syria iyo Ciraaq.

William oo ah afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in dadka qaarkood ay soo fuuq baxeen, ayna ku jiraan dad u dhashay dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Waxaa la geeyay Tahriibayaashan Afar goobood oo kala duwan si goobahaasi loogu diiwaangeliyo, looguna daryeelo.

Tahriibayaashan ayaa la xaqiijiyey inay ku jiraan carruur aad u yar yar oo qaarkood aanay jirin cid la socota taasi oo noqotay arin lala yaabo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dooni kale oo ay la socdaan dad tahriibayaal ah taasi oo ka soo baxday dalka Liibiya balse aan weli aan soo galin xeebaha dalka Talyaaniga.