Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku guulaystay inuu kala reebo lixdii tartame ee u taagnaa jagada madaxweyne ku-xigeenka xisbigaas u matali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto bisha march 2017-ka.
Guddi xisbigu u xil saaray kala saarista musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in laba murrashax oo kala ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Cali Cabdi ay ku tartami doonaan shirka golaha dhexe ee lagu qaban doono Hargeysa 19-ka bishan.
sidoo kale waxay sheegeen in Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga uu u sharaxan yahay oo kaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).