Shirkadda Dahabshiil oo 𝟐𝟎 𝐌𝐒π₯π₯𝐒𝐨𝐧 𝐨𝐨 𝐁𝐒𝐫 Ugu deeqday Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibadda dabka ka kacay Suuqa Taywan ee magaaladda Jigjiga.

0
311

Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Mudane Maxamed Siciid Dahabshiil oo kulamo la qaatay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiinta kale ee xukumaddiisa ayaa sheegay in Dahabshiil fududaynayso dhammaan qaadhaanka loo ururinayo dadka musiibadu ku dhacday ee suuqa Taywan ee Jigjiga ka gubtay. Dahabshiil Group oo ku dhawaaqday lacag 20 Milyan oo Bir ah ayaa sida oo kale khidmad la’aan ka dhigtay wixii tabarucaad ah ee lagaga qayb qaadanayo gurmadka β€œDhibaatada dhacday sida aanu uga xunahay ayaan halkan (Jigjiga) u imid oo ula kulmay madaxweynaha iyo wasiirrada, waxaanu ku dhawaaqnay lacag 20 Milyan oo lacagta Itoobiya ah, waxa kale oo aanu go’aamminay in cid kasta oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba gurmadka ka qayb galaysa oo akoonka dawladdu magacowday lacag ku soo shubaysa aanan wax khidmad ah ka qaadan, waxaanan dadka ku dhiiri gelinaya in ay dadka walaalahood ah caawiyaan meel ay joogaan ba,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid Dahabshiil