Maamulaha Shirkaddaha Dahabshiil Group Abdirashid Duale oo ka qayb galay munaasibadda dhagax-dhiga dib-u-dhiska suuqa Waaheen ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu suuqa waaheen uu u leeyahay ganacsiga geeska Afrika.

0
127

Maareeyaha Shirkaddaha Dahabshiil Group mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil ayaa hadal uu ka jeediyay munaasibadda dhagax dhigga qaybta dawladda ee Suuqa Waaheen waxa uu ku sheegay in bulshadii ku waxyeellowday suuqii gubtay ee Waaheen dhaqaale ahaan dib u soo kabteen, islamarkaana shirkadda Dahabshiil kaalin muhiim ah ka qaadatay soo kabashada dhaqaale ee bulshada.

Ugu horayn waxa uu murugada la qaybsaday bulshada reer Jigjiga ee musiibada dibku xalay qabsatay “Waxaan ka tacsiyaynaya khasaaraha ka dhacay Jigjiga oo ah walaalaheen oo markii suuqa Waaheen dhibaatadu ka dhacday ina soo gaadhay oo ina caawiyay, Illaahay arrimaha ha u fududeeyo dhammaanteena diyaar baynu u nahay in aynu kala qayb qaadano wixii aynu la qaban karno,” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil Maamulaha Dahabshiil waxa uu tilmaamay sida dhismaha suuqii Waaheen u dhismayo ee dhakhsaha ah

 

“Suuqa Waaheen, dhismaha maanta ka bilaamay ama qaybo badan oo ka mid ah dhismeen waxay muujinaysa in dadku haddii ay midaysan yihiin dawladdoodana la shaqaynayaan horumar la gaadhi karo.”

Waxa uu intaasi raaciyay ahmiyadda uu suuqa Waaheen u leeyahay gobolka Geeska Afrika “Waaheen ma ahayn ganacsi Hargeysa oo kaliya ah ee wuxuu ahaa ganacsi Geeska Afrika oo dhan u adeega oo alaabada Geeska timaadda lagu kala iibsado ama alaabtiisu Geeska Afrika oo dhan ay gaadho. Khasaarihii ka dhashay gubashada Suuqa Waaheen waxay midaysay dadweynihii dalka, dibadda iyo gobollo kaleba joogay oo lacagihii la ururinayay marka laga reebo intii ganacsatada iyo dawladda waxa laga soo ururiyay meel kasta oo qof Soomaali ah ku nool yahay, waxay muujinaysa in Soomaaliyi khasaaraha gaadha ka kici karto, waxaana tusaale u ah Waaheen soo kabashadiisa.”

Maamulaha Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu sheegay in dadkii dhibaatada dhaqaale ka soo gaadhay gubashadii Waaheen hadda si buuxda uga soo kabteen.

“Anigu subaxii dabka oo qiiqaya ayaan Waaheen imid, waxaana xafladdan jooga hablihii aan subaxa meesha ugu imid, waxay dul joogeen meeshii oo wixii ay hayeen ku gubteen iyagana qiiqii waxyeelay oo aanay caafimaad ahaan wanaagsanayn, laakiin maanta baayacmushtarigoodii iyo dhaqaalahoodii wuu soo noqday, waxaana la odhan karaa wax u kordhay mooyaane wax hoos uga dhacay arki maysid waana mid muujinaysa in khasaare dhici karo laakiin, muhiimadu tahay in laga soo kaco oo hore loo socdo, Dahabshiil ahaana mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu horumarka ka qayb qaadano kaas hore iyo ku dambe ba..” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil