Maamulaha shirkadaha Dahabshiil Group Abdirashiid Ducaale oo ardaydda Jaamacadda Camuud ka qalinjabisay dufcadii 22 ku dhiirigaliyay hal abuurka ganacsiga iyo xoojinta nabadda.

0
362

Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil Group Abdirashiid Duale ayaa ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ku bogaadiyey dadaalka iyo tacabka ay geliyeen tacliinta, waxaanu ku boorriyay in ay sii wadaan halganka geeddiga nolosha ee dhanka waxbarashada iyo hal abuurka ganacsiga iyo shaqooyinka.

Mudane Abdirashiid waxa uu geesta kale hoosta ka xariiqay qiimaha ay nabaddu u leedahay horumarka bulshada ee dhinac walba oo nolosha ah. “Nabadda ha laga wada shaqeeyo…”

“Waxaan ardayda qalin jabinaysa iyo cid walba xasuusinaya, in aad qalin jebisan waxa qayb ka qaadatay nabadda; haddii aanay nabadi jirin tacliini ma jirto, haddii aanay nabadi jirin ganacsi ma jirayo, haddii aanay nabadi jirin horumar ma jirayo, mustaqbalku waa nabadda ee nabadda ha laga wada shaqeeyo.

 

Gobol walba, goob walba waa in nabadda laga shaqeeyo. Qofka nabadda diidan waa qof nolosha iyo horumarka diidan waana qof mustaqbalkeena baabi’inaya..” ayuu yidhi maamulaha Dahabshiil