“Taageerayaasha gobolka HAWD kali kumay ahayn Rabshaddihii Dhacay..Waa Dad U Bisil oo Dul-qaadkeedda Leh…….” Wasiir Cakuse

0
1336

Wasiir CUKUSE oo khadka telefoonka ugu waramaayay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay in taageerayaasha gobolka HAWD iyo degmadda Axmed Dhagax ay yihiin dad-qaaddi kara oo aqbali kara in Marti loo ahaaddo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu ku celiyay mar kale innuu taageero u ahaa gobolka HAWD, waxaannu ku doodday in taageerayaasha gobolka HAWD ay yihiin dad u bisil oo dul-qaadkeedda leh in laga Baddiyo iyo inay Baddiyaan-ba, waxaannu yidhi

“Anigu waxaan ahaa taageero wayn oo gobolka Hawd ah, qof ahaanna gobolka Hawd ayaan ahay, waxaannu nahay dad qaadi karra oo aqbali karra inay baddiyaan iyo in laga badiyabba, waxaannu nahay dad qaadi kara in Marti loo ahaaddo, waxan maanta ka dhacay Garoonkanna kuma faraxsani.” Ayuu yidhi Wasiir CUKUSE.

Mar kale, Wasiir Cukuse isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigu umma haysto inay taageerayaashii gobolka HAWD uun ahaayeen, waxa ku soo dhuumannaaya kuwa Magaceenna dilaaya oo magaca Hawd dilaaya, dagannaanshaha garoonkanna dilaaya.” Ayuu yidhi Wasiir CUKUSE.