War Deg Deg Ah: Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Shaaciyey Tirada Dadka Ay Dhaawacyadu Soo Gaadheen, Sida Ay wax U Qabaan Iyo Magacyada Inta Rasaastu Waxyeeshay

0
814

Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Shaaciyey Tirada Dadka Ay Dhaawacyadu Soo Gaadheen, Sida Ay wax U Qabaan Iyo Magacyada Inta Rasaastu Waxyeeshay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caawa fiidkii si kooban uga hadashay rabshadihii dhaawaca iyo khasaaraha geystay ee fiidkii galabta hadheeyey ciyaartii dhex maraysay labada xul ee HAWD iyo Daad madheedh oo 2:1 ay guushu ku raacday gobolka Daad madheedh, kaasi oo u soo baxay wareega Semi Finalka ee afarka kooxood.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiy) ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ay keentay ciyaartii maanta dhex-martay gobollada Hawd Iyo Daad Madheedh.
Wasiirka caafimaadka oo warbaahintu la xi dhiidhay ayaa ka war bixiyey khasaaraha ka dhashay rabshada ay sababeen ciyaaraha goboladu, waxaannu sheegay in dadka dhaawacmay u badan yihiin qaar wax ku noqday dhagax, is jiidhis ka dhacday kadinka garoonka, suntan dadka kaga ilmaysiisa oo loo adeegsaday iyo xabad ay askartu rideen.
Wasiirku waxa uu sheegay In dadka dhaawaca ah ay tiradoodu tahay 24 qof oo shacabka ah. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey in tirada dhaawacu gaadhayo 25 qof halka ay xabadu ku dhacday todoba oo aanu lix ka mid ah magacyadooda helnay. Dadka ay xabadu dhaawacday ayaa kala ah.
1. Guuleed Cabdil Qaadir
2. Nimco Hure
3. Cabdikariin Cabdilaahi
4. Xamse Axmed Jaamac
5. Sakaraiye Muuse Jaamac
6. Cabdiraxmaan Fu,aad Cabdilaahi