Warbixin: Fal dambiyeedyada ka Dhaca Dalku waxay Sannadkan Kordheen Boqolkiiba Laba

0
983

Hogaanka hawl-gelinta ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Gaashaanle sare Maxamed Ducaale Cali, ayaa soo bandhigay tiro-koobka fal-dambiyeedyada kala duwan ee sannadkan 2016 ka dhacay dalka, kuwaasi oo isugu jira dil, dhac, kufsiyo iyo qaar kale.

Gaashaanle sare Maxamed Ducaale, waxa uu warbixintaas kaga dhawaaqay khudbad uu ka jeediyay munaasibad loogu dabaal degayay sannad guuraddii 23-aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka booliska Somaliland oo khamiistii lagu qabtay xarunta taliska guud ee booliska ee magaaladda Hargeysa, waxaanu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay farqiga iyo korodhka fal-dambiyeedyada sannadkan dhacay iyo sanadkii hore ee 2015-kii.

.
Maxamed Ducaale oo ka hadlayay tiro-koobka guud ee dambiyadii ka dhacay wadanka waxa uu yidhi “Guud ahaan faldamiyeedyadii dalka ka dhacay sanadkan 2016-ka, tiradoodu waxa weeye siddeed iyo toban kun, shan boqol, sagaal iyo konton, inta beenowday waxay noqotay saddex kun, saddex boqol iyo shan iyo labaatan, inta heshiis laga gaadhay waa, lix kun, siddeed boqol iyo lix iyo siddeetan, inta baadhisteedu socoto hadda waxa weeye kun toddoba boqol iyo siddeed iyo konton, inta maxkamad gashay waa lix kun, shan boqol iyo lix iyo sagaashan, inta la xukumey waa, laba kun, saddex boqol iyo afar iyo todobaatan, inta garsuge ah waa afar kun, laba boqol iyo laba iyo labaatan kiis.”

Hoggaanka hawl-gelintu waxa uu sharaxay tirada ay is dheer yihiin kiisaskii sannadkan ka dhacay dalka iyo kuwii sannadkii hore, waxa uu yidhi “Haddii aynu is barbar dhigno sannadkan iyo sannadkii hore. Sannadkii 2015-kii fal-dambiyeedyadii dhacay waxay ahaayeen siddeed iyo toban kun, boqol iyo siddeed iyo todobaatan, halkay sanadkan ka tahay siddeed iyo toban kun, shan boqol iyo sagaal iyo konton kiis, waxaanay sannadkan korodhay boqolkiiba laba, taasi oo ay sabab u tahay korodhka bulshada iyo kooxaha dhalinyarrada ah ee ciidanka Boolisku tallaabo adag ka qaadaan.”

Maxamed Ducaale waxa kale oo uu ka hadlay tirada gacan ku dhiiglayaasha loo qabtay dilalkaasi iyo inta lagu raad joogo, waxaanu yidhi “Tirada dilalka sannadkan 2016-ka, inta dhimatay waa kow iyo todobaatan, inta gacan ku dhiigle la qabtay waa shan iyo lixdan, inta gacan ku dhiigle la raadinayaa waa lix, taas oo ay hoos u dhacday, boqolkiiba sagaal.”

Sarkaalkaasi isagoo mar uu ka hadlayay kiisaskii kufsiga waxa uu yidhi “Tirada kufsiyadii sanadkan wadanka ka dhacday waa 120 kiis, inta eedaysane ee dambigan gashay waa 125 qof, inta eedaysane la qabtay waa 105, inta eedeysane baxsatay waa 19, haddii aynu is barbar dhigno sannadkan iyo sannadkii hore, Sannadkii 2015-kii, waxay aheyd 148 kiis, sanadkana waa boqol iyo labaatan, markaa siddeed iyo labaatan ayay hoos u dhacday sanadkan.”

“Tirada Shilalka gaadiidka ee sannadkan dhacay, waa laba kun, shan boqol iyo shan iyo siddeetan shil, inta dhimatay waa boqol iyo shan iyo lixdan qof, inta dhaawacantay waa laba kun iyo saddex iyo afartan qof, khasaaraha gaadiidkuna wuxuu ahaa kun, lix boqol iyo sagaal iyo afartan, khasaaraha xoolaha shan kun iyo saddex, khasaaraha dhisme waa boqol iyo sideetan, sababta keentayna waa xirfad la’aanta wadeyaasha baabuurta iyo socodka xawaarahooda oo aad u sareeya,”ayuu yidhi Hoggaanka hawl-gelintu.

Maxamed Ducaale oo ka hadlayay kiisas la xidhiidha caruur la tuuray waxa uu yidhi “Tirada caruurta la tuuray sannadkan waxay ahaayeen shan, inta dhimatay waa hal, inta nooli waa afar, waxaanay ka dhaceen gobollada Maroodijeex iyo Saaxil.”

“Tiradda iska hor imaadyada hubeysan ee wadanka ka dhacay sannadkan waxay ahaayeen 100 iska hor imaad, dhimashadu waa 64 qof, tirada ku dhaawacantay waa 75 qof, waxaanay u badnaayeen gobollada Sool iyo Sanaag,” ayuu yidhi Hogaanka hawl-gelinta ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Ducaale, waxaanu intaasi raaciyay “Tirada mukhaadaraadka la qabtan sannadkan waa afar kun, afar boqol iyo sideetan litir oo khamriya, xashiishadu waxa ay noqotay toddoba kun iyo konton kiilo garaam iyo shan boqol iyo todoba iyo todobaatan laab ama duub, eedaysanayaasha aanu ku qabaney waa lix iyo lixdan, gaadiidka aanu ku qabaneyna waa sagaal.”

Maxamed Ducaale waxa kale oo uu intaasi raaciyay “ Miinooyinka laga wacyi geliyay wadanka ee la soo qarxiyay waa laba kun saddex boqol iyo shan iyo siddeetan, xabo oo Miino ah.”

“Noocyada dambiyada dadka ka dhaca waxa ugu badan noocyada kala ah, sida dhaawacyada fara-saarka, kufsiga iyo wixii la mida, waxaana had iyo jeer ugu badani waa dhaawacyada, falalka kale waa sida budhcadnimada tuugada, baabul khiyaamada iyo wixii la mida,” ayuu yidhi Hogaanka hawl-gelintu.
waxaanu intaasi raaciyay “Tahriibayaasha sannadkan waxaanu Itoobiya ku celinay laba kun saddex boqol iyo shan iyo siddeetan oo shan boqol iyo todoba iyo todobaatan Somalilander ahi ay ku jiraan.”