Xoghayihii WADDANI ee Gobolka Saaxil oo Iska Casilay Xilkii & Xubinimadii Xisbigaas

0
900

Abiib Cawil Maxamed, xoghayihii hore ee xisbiga WADDANI ee gobolka Saaxil ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xisbigaasi ka hayay iyo sidoo kale xubinimadiiba. Abiib Cawil Maxamed, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in is casilaadiisu ay ka dhalatay dhaliilo badan oo ka jira qaab dhismeedka iyo hanaanka maamul ee xisbiga WADDANI, oo leexsamay tan iyo markii ay ku soo biireen xisbiga kooxdii is-bahaysigii KULMIYE ka soo cadhooday.

Waxaanu tilmaamay in taasi ay u suurto-geli wayday in uu ka sii mid ahaado xisbigaasi, isla markaana markii uu u dul qaadan kari waayay dhaliilaha badan ee dul hoganaya xisbigaasi in uu go’aansaday in uu iska casilo. “Anigoo ah Xariir Cawil Maxamed ahna xoghayihii xisbiga WADDANI ee gobolka Saaxil, kana mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga WADDANI ee golaha dhexe.Waxaan u caddaynayaa bulshada reer Somaliland in aan iska casilay xubinimadii iyo xilkii aan ka hayay xisbiga WADDANI. Intii is-bahaysiga KULMIYE nagu soo biiray-na dhaliilo badan ayaa soo baxay, waxaanan u sheegayaa taageerayaashay-da in aan iska casilay xisbiga WADDANI,”ayuu yidhi Abiib Cawil.