Kun Askari oo ka Goostay Ciidamada Keniya

0
922

Ciidamadan oo u Badnaa kuwii Somaliya kula dagaalay Al-shabab oo Cabsidii ay ka qaadden Awadeed  Ciidankii ka dareeray

-Dowlada Keniya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal Askar oo ka tirsanaa Militerigooda ay shaqada isaga tageen kadib markii ay ka cabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee dagaalka kula jira.

Dowladu waxa ay sheegtay in inta badan Askarta isaga baxay ciidanka ay ahaayen kuwo ka qeybqaatay howlgalka AMISOM kuwaasi oo dhaayahooda ku arkay xusuuqa dhacay.

Sarreeye Guuto Kenneth Okoki Dindi oo ah Agaasimaha Dacawad oogaha Milliteriga Kenya, ayaa isna xaqiijiyay in Askarta isaga baxday shaqada ay yihiin In ka badan 800 Askari Kenyan ah, waxa uuna tilmaamay in dhamaantooda ay ciidanimada uga baxeen cabsi jirta aawgeed.

Askarta ka baxday howsha ciidanimo ayuu sheegay Agaasimaha inay ku cayaaren anshaxa Wasaarada Gaashaandhiga waxa uuna fashil ku tilmaamay falka ay ciidamadaasi ku dhaqaaqen.

Sarreeye Guuto Kenneth Okoki Dindi , waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Askartaasi lagu sameeyo baaritaano lixaad leh si waxbadan looga ogaado ka bixitaankooda Ciidanka.

Sidoo kale, Garsoore Martin Moya oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mombasa ayaa sheegay in dowlada looga baahan yahay inay baaritaan ku sameyso arrimahaani oo kale, waxa uuna walaac ka muujiyay sida ciidamada ay uga baxayaan shaqadooda.

Garsoore Martin Moya, waxa uu intaa ku daray in la kulmiyo ciidamada iska casilay shaqadooda si waxbadan looga weydiiyo sababta.

Si kastaba ha ahaatee, Askartaani ka baxay howshooda ciidanimo ayaa sababta ugu weyn ku sheegay dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo haddii la qafaasho oo aysan soo badbaadineynin dowlada.