Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Canbaareeyay Xadhiga Suldaan Cali Saleebaan Sheegayna Injidhdil Loogaystay

0
1506

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil ayaa Si Adag u Cambareeyey Xadhiga iyo Jidh dil uu sheegay in loo gaystay Guddomiyihii Guddida Qaban Qaabada Shirka Baxarosaafka Suldaan Cali Salebaan maxamed Oo Maanta Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa ay Xabsiga u Taxaabeen Sidoo kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble isagoo hadalkiisa sii wata Waxa uu ka Hadley Xadhiga Dhalinyaro iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo Mudo Laba bilood ah ku Jira Saldhigyada Magaalada Hargeysa isagoo Maxkamaha Gobolada Maroodi jeex, Saaxil iyo Togdheer Fariin u direy,halka uu Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto C.laahi Fadal imaana uu u soo jeediyey inuu Sharciga Dhawro Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Waxa kale uu Baaq nabadeed u direy Labada Belood ee Bariga Burco iyo Saaxil oo ugu Baaqay inay Arrimaha Dilka ah ee Dhaxyaala ay ku Dhameystaan gogol Nabadeed sidii dhaqanka aheyd , waxaanu yidhi