War Deg deg Ah: Maammulihii Shirkadda Telesom Ee Laascaanood Oo La Toogtey

0
1168

Wararka Nagasoo gaadhay magaala-madaxda gobolka Sool Ee Laascaanood ayaa sheegaya in goor dhowayn la toogtey Maammulihiii Shirkadda Telesom Ee Magaalada Laascaanood C/risaaq Dhabayoco.

Maammulahan ayaa sida la sheegay isagoo sii gelaya xafiiska shirkaddiisa waxa xagga dhabarka lagaga dhuftay Hal xabbo Rasaas Bastooladeed ah taasoo maammulahan gaadhsiisey dhaawac culus.

Waxana Dhawaca maammulahan loola caaray dhinaca Cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Dhinaca kalena lama sheegin ilaa hadda sababta dhabta ah ee toogashada mas’uulkan iyadoo sida lasheegay ciddii  toogatey maammulahaasna aan la qaban.