Madaxweyne Siilaanyo Oo Shucuubta Islaamka Ku Bogaadiyay Bilashada Ramadaan, Baaq Nabadeedna Diray

0
762

“Waxaan Ugu Baaqayaa In Deg-deg Loo Joojiyo Colaadda Sokeeye Oo Caqliga Wanaagsanna Taliyo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay baaq nabadeed u diray beello wallaalo ah oo shaqaaqo dhiig badani ku daatay ku dhex martay Jimcihii toddobaadkii hore deegaanka dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay qaranimadda Somaliland dhaawac ku tahay dagaalka dhex maray labadaas beelood, waxaanu balan qaaday in xukuumadiisu dedaal weyn u galayso sidii loo joojin lahaa mashaqadaasi.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay Farriin muuqaal, arag iyo qoraal iskugu jirtay oo uu caawa shucuubta Islaamka iyo ummadda reer Somaliland uu ugu tahniyadeynayay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan khayraadka ay koobsatay bishani oo ay ku camiraan cibaadada iyo sadaqaddaba.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shucuubta islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan, oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.”

Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY ka baryay inuu Ramadaantan teeda kale nabad-gelyo iyo barwaaqo innagu gaadhsiiyo, waxaanu yidhi

“Waxaan leeyahay: Ramadaan Kariim, Kullu caam wa antum bil khayr. Ilaahay waxaan ka baryayaa Ramadaantan teeda kale innagu gaadh siiyo bash-bash, barwaaqo, amni iyo iimaan.”

“Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka kariimka ahi soo degey. waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wanaag ah oo tiro badan.”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu EEBE uga baryay dadka xanuunsanaya ee jiifa waadhadhka cisbitaallada, waxaanu yidhi

“Sidoo kale, waxaan bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaaliga ah ee bisha Ramadaana, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaro.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo shaqaaqooyin dhimasho iyo dhaawac keenay ku dhex mareen gobolka Sool, waxaanu yidhi

“Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah.Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo.”

“Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd colaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).