Gudoomiyaha KULMIYE oo Bushad Reer Somaliland U Hambalyeeyey Bilashad Bish Ramdaan

0
759

War-saxaafadeed

Ujeeddo: HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE EE BISHA RAMADAAN

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee Muslimka dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan
ee sannadka 1437 taariikhda Hijriga, kuna beegan 06/06/2016.

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu innaga aqbalo acmaasha bishan barakaysan, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay badhaadhe, nabadgalyo, barwaaqo iyo horumar ku gaadhaan bisha bisheeda sannadka dambe.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqayaa in la iscafiyo, lana caawiyo dadka jilicsan iyo masaakiinta, isla markaana qof waliba jaarkiisa ka war hayo.

Ugu dambayn, waxaannu leeyahay shacabka ‘Ramadaan Kariim.’ Alle ha ina siiyo khayrkeeda, soonka, sallaadda iyo cibaadada kalena ha innaga aqbalo. Aamiin……Aamiin….Aamiin.
ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE