Somaliland: “Waxaan Soo Jeedin Laha Mucaaridku In Aanay Ku Deg Degin Inay Ku Mucaaridaan Heshiiska Somaliland Iyo Imaraadku Wada Gaadheen, Mar Haddii Itoobiya Qayb Ka Tahay”. Muj: Cali Guray

0
808

Guddoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Guray ayaa ugu baaqay in aan la mucaaradin heshiiska tariikhiga ah ee ay kala saxeexdeen waddamada Somaliland iyo Imaraadka Carabta. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan.

“Hadii uu run yahay warkan sheegaya in Itoobiya ay soo dhawaysay Heshiiskii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Imaaradku wuxu ka marag kacayaa in heshiiskani uu yahay mid gebi ahaanba ah Iskaashi dhinaca horumaka dhaqaalaha(Economic Development Cooperation) oo u wada dan ah dhinacyada heshiiska iyo dalalka gobolkaba siiba Itoobiya oo ay wax badan ka tari karto cidhiidhiga ka jira Dekedda Djibouti. Taasi waxay meesha saaraysaa in heshiiskani uu haba yaraato eh wax dhibaato ah ku niqon karo danaha istraatajiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taas runtii dad badani ay shaki ka qabeen shakiguna uu ahaa mid ku yimi xukuumadda oo ka gaabsatay inay wakhti hore si cad u qeexdo saamaynta khilaafka Itoobiya iyo Masar ee biyaha Niilka.

Heshiiskan hadii si fiican looga midho dhaliyo oo laga badbaadiyo hunguriga shakhsiyaadka awooda badan ku leh xukuumadda Madaxwayne Silanyo iyo danaysiyada gaarka wuxu noqon karaa guul wayn oo Somaliland u soo hoyatay waxtarkiisana loo aayi karo.
Dr Sacad Cali Shire wuxu xusay in kasta laga yaabo in aanay jeclaysan xubno weftiga ka mid ahi in ka dib saxeexa heshiiska Imaaraadku ay bixiyeen 15 milyan oo dollar oo xaqul qalam ah taas oo aan filayo inay ahayd waxa ugu muhiimsanaa shakhsiyaadka sida gaarka ah isugu taxalujinayay mashruuca Dekedda Berbera.

Markaa waxan odhan lahaa mucaaridku in aanay ku degdegin inay ku mucaarideeyaan heshiiskan waayo weli ma hayno dhibaato gaar ah uu Somaliland u yeelan karo in kasta oo looga baahan yahay xukuumadda faahfaahin ka badan inta ay bixiyeen, ilaa hadda, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Maareeyaha Dekedda Berberi
Ugu dambaystii hadii ay jirto in cid looga baqi karo inay fashilin karto Mashaariicda heshiiskan waxan is leeyahay maaha mucaaridka ee waa shakhsiyaadka ugu awooda badan xukuumadda Madaxwayne silanyo iyo damacyadooda qaawan iyo weliba cadaalad darradooda ku dhisan musuq maasuqa eexda iyo qaraabo kiilka”.