Somaliland: Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Xildhibaano Wakiilada Ka Tirsan Oo Sheegay In Xasan Sheekh Heshiiska Lug Ku Lahaa

0
696

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska dhex maray xukuumadda Siilaanyo iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsan dekedda Berbera.

Wasiir Sacad, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horayn isagoo sharaxaya heshiiska wuxuu yidhi “Heshiiskani waa mid Somaliland dan u ah, waa mid dakhli fara badan inooga soo xaroonaayo oo magac iyo sumcad ku helayno, Dekadeenuna waxay la jaanqaadi doontaa Dekadaha Caalamka iyo kuwa aynu jaarka nahay, sida Dekadda Jabuuti iyo Dekadda Jidda, heshiiskana inay wax inoogu soo kordhaan mooye wax hoos inooga dhacayaa ma jiraan, lamana wareejinayo oo si wada jir ah ayeynu u maamulaynaa”,

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay inay Golaha Barlamaanka hor keenayaan Heshiiskan madaama ay Shirkadani tahay Shirad ajaanib ah ayaa yidhi “Waanu hor keenaynaa Golaha Barlamaanka heshiiska aanu la galnay Shirkadan, nidaamka iyo sharciga ayaanan u raacaynaa, oo talaabo sharci daro ah ku  dhaqaaqi mayno”.

Wasiirka mar aanu wax ka weydiinay wax ka jira wararka sheegay in Cali Xoor-xoor laga wareejiyo Dekada ayaa yidhi “Warkaasi waa waxba kama jiraan, wax laga wareejinayaana ma jirto Eng: Cali Xoor-xoor waa Maareeyaha Dekadda,waana uu sii ahaan doonaa”.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in dawladda Somaliland la siiyay lacag xaqul qalin ah oo dhan 15 milyan oo dollar, isgoo sheegay in 10 milyan oo lacagtaas ka mid ahi ku dhici doonto qasnada dawladda “Haa way jirtay lacag xaqul qalina oo laga qaaday waana 15 Milayn, waa shan milyan oo lagu soo iibin doono maraakiibta maraakiibta soo xidha ee tag poit-g la yidhaa iyo toban milyan oo kaasha.”Sidas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad oo isla shalay ka dhoofay dalka, una socdaalay dalka Rwanda oo uu sheegay inuu kaga qayb galayo shir maanta furmay isagoo shirka ka hadlaya wuxuu yidhi  “Waxaan maanta (shalay), tagayaa dalka Rwanda, oo waxaan ka qayb gali doonaa shir caalamiya oo ku saabsan dhaqaalaha, waxaana shirkan oo soconaya muddo saddex cisho ah furmi doona, Arbacada, waxaana iskugu imanaya Wadamada Afrika, Somaliland waa lagu soo casuumay, Shirkan oo ay iskugu iman doonaan Madax iyo Madaxweynayaal badan oo Afrikaan ahi waxaan doonaynaa in aanu ka faa’iidaysano oo qadiyada Somaliland aanu halkaas ku soo bandhigno”.

Geesta kale, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiskaas. Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka hadlaya Dekada la wareejiyey ayaa yidhi  “Dekada Berberi waa Dekada qudha ee dhaqaalaha ugu badani ka soo baxo, waa Hooyada dakhliga Somaliland, sharci daro ayaana lagu wareejiyey, sifihii sharciga ahaana looma marin wareejinta, Barlamaankana lama hor keenin, sidii loo wareejiyey Haamaha ayaa iyana loo wareejiyey, waxaanan Aqoonyahanada, Wax-garadka, Indheer garadka iyo Shacabka Somaliland ka codsanayaa in aanay dhayalsan wareejinta dekadooda, oo ay ka dhiidhiyaan, kana hor yimadaan, maxa yeelay Xukuumaddani waxay ku takrifashay hanti badan oo qaranku lahaa, waxay wareejisay Haamihii, waxay maanta wareejisay Dekadii, berina waxay wareejin doontaa Madaxtooyada, markaas fiiro gaar ah ha loo lahaado”

Maxamed Faarax Qabile oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Xasan Sheekh ayaa heshiiska Dekada Berbera ka qayb ahaa oo la inoo soo maray, waxaana sida la sheegay uu qaatay boqolkiiba shan iyo laabatan (25%), waxa haboonayd inta wuu qaadanayo Xasan Sheekh lacagtaas inay Xukuumaddani qaadato, Xukuumaddani waxay doonto ayey ku dhaqmaysaa, waxay doonto ayey samaynaysaa, xeerarkii iyo sharicigii dalka ayey sida ay doonto u isticmaalaysa, kuna xad gudbaysaa, Dastuurkuna wuxuu dhigayaa in heshiis walba oo ay Xukuumaddu galayso inay hor keento Barlamaanka laakiin taasi ma dhacdo, heshiiskan waa mid sharci daro ah, oo sharci daro ah.”