Somaliland: Gudoomiye Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Columbus Ohio Ee Dalka Maraykanka+Sawiro

0
969

Jaaliyada Soomaaliland ee dalka Mareykanka waxay si weyn usoo dhaweeyeen Gudoomiyaha Golaha wakiilada  Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Abdirihmam Cirro oo dhawaan soo gaaray dalka Mareykanka.

Boqolaal qof oo ka kala timid gobolada dalkan Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo xaflad soo dhaweeyn iyo warbixin ah loogu qabtay magaalada Columbus Ohio.

Mudadii ay socotay xaflada soo dhaweynta waxa ay wafdigu ka sheekeeyeen Marxalada Somaliland ku jirto, sida doorashooyinka soo socda, isbadalka siyaasigaa, Horumarka, iyo raadinta aqoonsi ay hesho Somaliland.

Mudadii ay ku guda jireen socdaalkooda Mareykanka waxa ay sheegeen in ay kulamo la qaateen Masuuliyiin ka tirsan dowlada Mareykanka iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Mareykanka iyaga oo ku dhiirogalinyay wax qabad muuqda iyo iskaashi.

Asha Hassan Yusuf Mareykan oo ka mid ahayd wafdiga Gudoomiyaha ayaa ka sheekaysay dhacdooyin lagu carqaladaynayo xisbiga wadani oo ka dhacay Hargaysa iyo sida loogu bahanyahay in laga gudbi in xisbiyada la caburiyo iyada oo dhanka kale codsatay in la sii daayo gabadh loo xiray taagero ay Wadani u muujisay oo wali xiran.

Keyse Ali Geedi oo wafiga ka mid ah ayaa qurba joogta ka codsaday in la taageero xisbiga wadani iyo sidii uu hogaanka Somaliland u qaban lahaa.

Xildhiban Ibrahim jama Ali ayaa aad ugu dheeraaday xisbiga Wadani iyo in ay ka go’antahay in ay la wareegaan talada isaga oo codsaday in la tijaabiyo Wadani iyo gudoomiyahooda Cirro si ay isbadal ugu soo kordhiyaan dalka.

Xubnihii wafdiga oo mid mid uga hadlay xafladan waxa ay ka sinaayeen taageero u raadinta xisbiga wadani iyo sidii jaaliyada dibada looga raaridi lahaa in ay is dhinac taagaan isla markaana dhaqaalo iyo waqtiba u huraan.

Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ah gudoomiyayaasha xisbiga wadani ee gobolada dalkan mareykanka qaarkood oo ay ka mid ahaayeen.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee gobolka  Ohio State, Abdifitah Mohamud Walaaleye.

Gudoomiyaha Wadani ee gobolka Tennessee State.

Ugu danbayn Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ahana Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasigaa ee Wadani Abdirihaman Cirro oo dadka la hadlayay waxa uu muujiyay suurtagalnimada in isbadal uu keeni karo xisbiga wadani, isaga oo Baaq u diray dadka diidan Maamulka Somaliland sida Khaatumo in ay ka qeybqataan doorashooyinka isla markaana la xaliyo wixii is fahmi waa ah ee jira.

Wafdiga waxa ay kulamo gooni gooni ah la qaadanayaan Jaaliyada iyo qeybaha bulshada kal duwan eek u dhaqan dalka maraykanka.

2-13 4-5-740x437 4-12 5-11 7-9 13-3