Shirkadda Somtel Oo Macaamiisheeda U Soo Bandhigtay Adeegyo Cusub Oo Casri Ah

0
668

Shirkadda Somtel ayaa shalay Daahfurtay Adeegyo Casri ah oo kala ah4G Plus iyo Bushqadda 4G Plus, Adeeggan  oo ah adeeggii u dambeeyay ee maanta dunida casriga ah laga isticmaalo

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Madaxa Waaxda Suuqgaynta Ee Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi oo faahfaahin balaadhan ka bixiyay Adeeggan cusub ee Shirkadda Somtel soo bandhigtay waxaanu yidhi “ Bacda salaam waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhammaanba macaamiisha shirkadda somtel meel kasta oo ay joogaan waxaanan ugu bushaaraynaynaa maanta Adeeg casri ah oo ay mudo badan tabayeen oo ah 4G plus, Adeeggan waxa aanu ugu talagalnay macaamiishayadu in ku raaxaystaan si fududna ugu isticmaalaan dhammaanba baahiyaha kala duwan ee ay u qabaan Adeegga internet ka, waxaana intaas u dheer Adeeggani waxa uu macaamiisha somtel u sahlayaa in ay hal mar ku wada isticmaali karaan moobilka Qaybta hadalka iyo Qaybta Isticmaalka internet ka 4G Plusoo ah Version kii u dambeeyay ee hadda dunida casriga ah laga isticmaalo waana adeeg xawaarihiisu aad u sareeyo marka loo eego 4G-gii caadiga ahaa ee hore loo isticmaali jiray, Adeeggan cusub waxa aad ku isticmaali kartaa guud ahaan Moobilada casriga ah ee loo yaqaan Smartphone iyada oo dhawaanna aanu macaamiisha somtel u keenidoono moobilo jaban oo casri ah oo suurtagalinaaya isticmaalka Adeegga 4G plus.

Adeeggan 4G Plus waxa ay macaamiisha somtel ku isticmaali karaan Qiimo jaban bisha oo dhan isaga oo aan kaa dhamaanahayn.

Dhinaca kale waxa Xafladda Daahfurka ka hadlay Madaxa Waaxda Ganacsiga Somtel Maxamed Rooble oo macaamiisha somtel ugu bushaareeyay in ay dhammaan xarumaha somtel ka heli karaan Adeegga cusub ee Bushqadda 4G plus oo ka koobaan xidhmooyin kala duwan oo loogu talagalay in ay dhammaan macaamiisha kala duwan ee somtel ay ku isticmaali karaan goob kasta iyo goor kasta, xidhmooyinkaBushqadda 4G plus waxa ay ka koobantahay 2GB/Day, 4GB/Day,10GB/Day iyo waliba Unlimited oo la siindoono macaamiisha u baahata ama aadka u isticmaala Adeegga Internetka, sida oo kale waxa aanu macaamiisha somtel ugu bushaaraynaynaa in loo diyaariyay Xidhmooyinka 3G plus oo aad ka helidoontaan dhammaan xarumaha somtel gobolada iyo Degmooyinkaba.

Ugu dambayntii waxa madasha ka hadlay soona gunaanaday daahfurka Adeegga 4G Plus Madaxa Waaxda Suuqgaynta Shirkaddaha Dahabshiil Group Cawil Saalax oo faahfaahin dheerada ka bixiyay Adeegyada Dahabshiil Group ay bixiso gaar ahaana sida ay Somtel markasta ugu dadaasho in ay la jaanqaado isla markaana hogaamiso tiknoolajiyada koraysa ee maalin kasta isbadalaysa oo uu ka midyahay Adeeggan 4G plus oo u sahlidoona macaamisha in ay jaamacadaha wax kaga baran karaan ama ay kala socondoonaan isbadalka suuqyada Ganacsiga oo daqiiqadkasta wax kusoo kordhaan isla markaana Adeegyada cusub ee aanu soo kordhinayno waxa aanu ku jaangoynaa hadba baahida nooga timaada macaamisha Dahabshiil Group ayuu yidhi Cawil saalax oo ugu dambayntiina hambalyo u diray Dhammaanba Macaamiisha Dahabshiil Group Meelkasta oo ay dunida ka joogaan.