Somaliland: “Waxaan Ku Talinayaa In Distoorka La Furo, Si Fursad Loo Siiyo Dadka Aan Ku Qancin Afkaarta Xisbiyada”Cabdiqaadir Obsiiye

0
690

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah siyaasi madax bannaan oo ku hanweyn inuu mustaqbalka madaxweyne ka noqdo Somaliland, ayaa ku baaqay in baahi loo qabo in distoorka la furo si fursad loo siiyo dadka hungirigu ka hayo inay dalka majaraha u qabtaan, isla-markaana ku qanci waaya falsafadda saddexda xisbi ee haatan dalka ka jira.

Siyaasigan oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay baahida loo qabo in fursad la siiyo dadka saddexda xisbi ee haatan jira dibadda ka taagan, waxana uu shaaciyey inuu hayo afkaar haddii la taageero dalka horumar lagu gaadhsiin karo.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu sheegay in niyadbaka dadka ka haysta inay diiwaangelinta usoo baxaan ay sabab u tahay qanac la’aan ka haysata saddexda xisbi ee haatan jira, waxana uu ku baaqay in taas lagaga bixi karo in distoorka la furo,“Waxa iga go’an oo aan ku baaqayaa in la furo distoorka Somaliland si loo helo musharrax madax bannaan oo u tartama jagada madaxweynenimada Somaliland, Maantana waxa muuqata in dadku aad uga niyadjabsan yihiin saddexda xisbi ee dalka ka jira, tusaale waxa inoogu filan diwaangelinta codbixiyayaasha oo maanta dhaqaaqi la’ dadka haddaad waraysato waxa ay ku sheegayaan inaanay haynin cid ay ku qanacsan yihiin.”ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dalku baahi u qabo siyaasi dhallinyaro ah oo ka madax bannaan kuwa  haatan tartamaya, waxana uu yidhi, “Dhallinyaradii maanta tahriib bay ku dhammaadeen, intii hadhayna gidaarraday wada fadh fadhiyaan, shacabkana wax aka muuqata inaanay dadku qancin musharraxiinta hortooda taagan, sidaa darteed waxan aaminsanahay in maanta loo baahan yahay qof dhallinyaro ah oo siyaasadiisa, qalbigiisa iyo himiladiisaba ka run sheegaya, waxa loo baayahan yahay waa caddaalad iyo horumar”

Siyaasi Obsiiye oo baaq u diraya madaxweynaha iyo golayaasha sharci-dejinta, ayaa waxa uu yidhi, “Maanta waxba ma dhaanno 1960-kii halkii aynu taagnayn maynaan dhaafin, madaxweynaha, golayaasha Baarlamaanka iyo cidda kale ee arrintu khusaysaba waxan ugu baaqayaa in distoorka la furo si dadkii wax qaban lahaa fursad loo siiyo illayn waa ay muuqataa inaanay dadku rabin kuwa maanta hortooda taagan.”

Mar uu ka hadlayey sida uu doonayo inuu wax u qabto haddii uu ku guulaysto hammigiisa ah inuu dalka xukumo, ayuu sheegay inuu balan ku qaadayo inaanu umadda wax mushahar ah ka qaadan doonin, “Haddii ilaahay igu guuleeyo waxan hayaa barnaanim aanu jirin cid haysaa, waxana kamid ah toddobo mucjiso oo laba kamid ahi yihiin inaan noqon doono madaxweynaha ugu horreeya ee mushahar la’aan umaddiisa ugu shaqeeya iyo qoddobka labaad oo ah inaan umadda u shaqayn doono 14-saacadood anigoo aan magac, maal, mansab iyo qabiil midna ka helin.”ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Siyaasigan ujeellan inuu dalka ku hoggaamiyo falsafad ku duwan midda haatan jirta, ayaa sheegay inuu karti iyo fikir toolmoon la kaashan doono sidii uu dalka u hoggaamin lahaa, waxana uu yidhi, “fikir iyo qiiro waxqabad baa I shidaysa oo aan doonayaa inaan gol-daloolooyinkaas badan waad ku buuxin kartaa, waxana ii muuqata baahiyihii oo xadka ka baxay iyo dalkii oo qani ah, waana arrin iga go’an inaan ka midho dhaliyo, kaligayna ma ihiye dad badan baa jira oo xeryaha saddexda nin ooteen meel ay kasoo galaan la’”.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa ah siyaasi madax bannaan oo ay ka go’an tahay inuu dalka madaxweyne ka noqdo, waxana uu muddo dheer kusoo jirey halgan hoose oo uu doonayo inuu hammigiisa ku gaadho, isagoo xambaarsan dedaal iyo firfircooni uu ku kabayo dhiirranaan iyo hal adaygnimo.