Dhalinyarada Maantu siday yihiin iyo sidii laga rabay – W.Q. Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

0
183

2.4.1 Dhalinyarada Maanta iyo ka faaidaysiga wakhtiga

dhalinyarada maantow is weydiiya, see u isticmaashaan waqtigiina? Ma waxaad rabtaa inaad u isticmaashid:

  1. Laacib khatara oo Kubada ciyaara ama daawada, laaciibiinta adduunkana mid mid u yaqaanna, iyaga iyo xitaa qaraabadooda iyo meeshay maalin shaah ka cabbeen. Markii laga sheekaynayana afkiisa la wada fiirsado.
  2. Khabiir sheekada dhalinyarada iyo shukaansiga ku xeeldheer, 20 magac oo kale duwan ku leh dhammaan baraha bulshada ee lugu wada xidhiidho(social networks) oo dhan, dadka la xidhiidhaana (contacts) kor u dhaafeen kumanaan habeen iyo maalinna ku dhaafto waxay ila tahay, (like, dislike,Comments i.w.m).
  3. Qof diinta wax uga bilaaban yihiin, laakiin aqoon fiican u lahayn meeshu ka raadsan lahaa waxa ka dhiman, oo markaas ku dhacay Shabakado (websites) dad xag jir ah leeyihiin, oo inta caalamkii kale iska soo xirxiray iyaga kaliya wax ka dhegaysta. Adduunkii kalena u xanaaqsan, taasina u keentay inuu noqdo qof xanaaqsan oo xirxiran, ilaa noloshu ciriiri ku noqoto.
  4. Qof belwadda mukhaadaraadka dhex dabbaalanaya oon ba la socon waxa adduunka ka socda iyo waqtiga laga hadlaayo.
  5. Qof intuu dalkiisa ka tagoo intuu dhoofo ama mahlako naftiisa galiyo tahriiba oo hadduu Alle nabad galiyo oo uu noolaado inaad calooshaada uun la ciyaarto oo aaad caydh gurato adoo alle caqli iyo awood taama ku siyey ka dibna sidaa waqtigiisa ku qaata oo qurbojoog nolosha u nool uun aad noqotid.
  6. Mise tuugo iyo budhcadnimo in aad bulshada la dhex joogtid oo qof kasta oo soomara wadada iyo luuq-luuqyada aad madowga u gashid si aad mobilka ama shilimaad lacag ah uga qaadatid.

 

  1. Mise waxmatare, bulshada aan dhib iyo dheef midna u geeysan oo inta uu guriga waalidkii kasoo kaco, si fiican usoo lebista, dhexdana iskasoo xidha, kabaha si fiican u balashaysta, subixiina hurdda fiidkana ka sheekeeya caffateria-shaah-macaan.

 

2.4.2 Dhalinyarada maanta iyo Hamiga nolosha ee laga rabo.

  1. Qof leh hami diimeed, markastana ku xidhan Allahii isaga abuuray, oo aan dayicin waajibaadka rabi ku leeyahay ee la inugu faray Quraanka iyo Axaadiista.
  2. Qof dhalinyaro ah oo hami adduun ku jiro, ku dadaala hadba wixii uu fursad eebe u siiyey,(waxbarasho, shaqo), aakhiro inay sugaysana xisaabta ugu jiro.
  3. Qof ku fekara inuu waqtigiisa si fiican u isticmaalo, is weydiiya marwalba in sida uu u dhaqmayo sax ama khalad tahay iyo inkale.
  4. Qof ay la weyntahay talada waalidkiis/ehelkiisa/ waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu dhaaamaan. Niyada ku haya ciddii oo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.
  5. Qof aan u samayn waxa uu samaynayo dhalinyarada kaleba waa samaynaysaa, ee u sameeya waa sax ama dantaa saa ku jirta. Wixii xuna isaga hara xitaa haddii dhalinyaradu dhammaan sameeyaan.
  6. Qof og oo xasuusan xaalka xigtiyo gacalkuu ka yimi oo waxtara una guntada siduu uga taageeri lahaa dhan kasta ha ahaato dhaqaale, baraarujin, cilmi(inuu uu faa’iideeyo cilmigu bartay).

 

2.4.3 Bulshadu waa muhiim lakiin waa kala muhiim

Si aynu u ahaano umad una sii jiro dhaqankeedu waxaa muhiim ah in aan la nimaadmo dadaal  midaysan iyo aragti dheer oo aan fiiro gaar ah u yeelano duulaanka dhaqan iyo Af  ee layna ku soo ekeeyey.  Doorka qaybaha bulshadu waa kala duwanaan karaa lakiin midaysnaanta dadaalkoodu waa lagama maarmaan marwalba. Bulshaddu waa wada muhiim lakiin qaybahaan hoos ku qoran waxay leeyihiin muhiimad gaar ah:

Ganacsata Soomaaliyeed-waxaa la gudboon in ay ka dheeraadaan dhammaan wixii wax u dhimaya dhaqanka Soomaaliyeed.

Dowladdu: waa in ay lasocotaa dhammaan waxyaalaha wadanka soo Gelaya ayna reebtaa wixii gef ku ah dhaqanka, Diinta iyo Afka Soomaaliga, sidoo kale waa in la xoojiyaa adeegsiga Afka Hooyo ee Xafiisyadda Dowladda iyo Dugsiyadda Waxbarasho ee dalka.

Wadaadada: madaama aan nahay dad Islaam ah 100%  waa muhiim doorka Culimmada Soomaaliyeed ee ku aadan dhaqanka suuban iyo iftiiminta wixii diinteenu ogoshahay.

Aqoonyahanada: bulsho walba waxaa haga Aqoonyahaykeeda sidaas awgeed waa lagama maarmaan in aqoonyahanada Soomaaliyeed ay qayb libaax ka qaataan ilaalinta dhaqankooda iyo horumarinta Afkooda.

Waalidiinta: Waalidka waa Macalinka kowaad ee u badka Soomaaliyeed waana in ay lasocdaan isbedelada ay marayaan ubadkoodu ayna marwalba uga sheekeeyaan dhaqankooda, Diintooda iyo Afkooda.

Barayaasha: Barayaashu waa in ay dareemaan in ay saarantahay masuuliyad ka badan Casharka ay bixinayaan ayna soo saaraan jiilal fahansan dhaqankooda iyo Afkooda Hooyo.

Dhalinyaradda Soomaaliyeed: dhalinyaraddu waa aayaha dalka waana cidda ay tahay in ay bartaan dhaqankooda iyo Afkooda ayna iska ilaashaan waxkasta oo xad gudub ku ah jiritaankooda dambe.

Ugu dambayn waxaan aaminsanahay hadii aan sidaan kusii socono in aynu ka dhaxlidoono dhaqan jab iyo burbur bulsho oo keeni kara cirib dambeed xun oo aan lagasoo waaqsan karin iyo in dhalinta Soomaaliyeed ay magan u noqdaan umado kale.

Tix-raac:

  1. Axmed Maxamud Axmed (Sahal Duuble)- Dhaqanka Somalida

La soco Q7aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer

 

Comments

comments