Magacyadda Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Quraanka Kariimka Ee Sannadkan

0
897

Tartanka guud ee Xifdiga Qur’aanka kariimka ah ee Somaliland oo laba maalmood ka socday masjidka Cali Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargaysa ayaa shalay la soo gebagabeeyay.

Tartankaasi oo ka qayb qaadanayeen arday ka kala socotay gobolada iyo degmooyinka dalka ayay ardaydu waxay ku kala tartamayeen 30-ka Jis iyo 15-ka Ji see qur’aanka kariimka ah.Waxaana  munaasibadii  xidhitaanka ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka dib u dejinta,  wasiiru dawlaha waxbarshada iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo inta badan culimada waaweyn ee dalka.Imaamka  masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Adaan,  kana mid ah  guddida qaban-qaabada tartanka Qur’aanka  ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabkii uu u qabsoomay tartanka Qur’aanka kariimka ah.Waxaana tartankaasi   kaalinta koowaad ku guulaystay C/xamiid Mustafe Adaan,  oo ka socday gobolka Togdheer,  halka kaalinta labaad iyo sadexaad ay galeen  Caydruus Cabdilaahi iyo Maxamed Mustafe Cigge,  oo  ka socday gobolka Maroodijeex.

Wasiirka wasaaradda  Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheek  Khaliil Cabdilaahi Axmed,  oo munaasibadda soo xidhay  ayaa u mahad naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda tartankaasi  Qur’aanka kariimka ah gaar ahaan shirkadda Dahabshiil oo maal gelisay.

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta   Cali Siciid Raygal, oo hadal kooban ka jeediyay xafladii  xidhitaanka tartanka Qur’aanka  kariimka ah ayaa hambalyeeyay tartameyaashii  da’da yaraa  iyo waliidiinta dedaalka weyn ku bixyay ubadkooda.Waxaa kale oo munaasibadda ka hadlay madaxa Idaacadda Qur’aanka kariimka ah   Maxamed Cabdilaahi Shabeel  iyo xubno ka mid ah culimada waaweyn ee dalka. Waxaana ka mid ahaa culimadii  madashaasi ka soo qayb galay Sheekh  Maxamed Cumar Dirir, Sheekh  ismaciil-dheeg iyo culimo kale.

Waxaana tartameyaashii kaalmaha hore galay la guddoonsiiyey abaalmarino kala duwan oo ay ka mid ahayd lacag caddaan ah. Iyadoo  tartamihii kaalinta koowaad galay C/xamiid Mustafe Adaan lagu abaalmariyey lacag $4000 Doolar ah iyo fursad lagu gaynayo xajka sanadkan.