Khasaare Laxaadle Oo Uu Magaalada Badhan Ka Geystay Roob Dabeyl Watay Oo Isniintii Ka Da’ay, Tirada Dadka Ku Dhaawacmay Iyo Guryaha Dumay

0
851

“Anigu  Gurigaygii waxaan ka hurdaa Bannaan, jiingaddii iyo qorigii dabeylihii ayaa wada qaaday…” Guddoomiyaha Gobolka Badhan Ee Somaliland

Ugu yaraan  Saddex qof, ayaa ku dhaawacmay shan iyo soddon gurina waxyeelo ayaa ka soo gaadhay roobab Dabeylo Watay oo ka da’ay Gobolka  Badhan Maalintii Isniinta ee magaalada Hargeysa Roobku Waxyeelada ka geystay.

Dadka ku dhaawacmay Roobka ayaa waxaa lagu daweynayaa Cisbitaal ku yaala Magaalada Badhan.

Guddoomiyaha Gobolka Badhan oo Wargeyska Himilo Xalay Khadka Telefoonka ku wareystay ayaa sheegay in roobkaasi Saameyn xoogan uu kaga tagay Gobolka Badhan.

Guddoomiyuhu,  waxaa kale oo uu sheegay in Gurigiisii uu jiingadii ka qaaday  dabeylaha Roobku watay, Islamarkaana uu isagu saddexdii Habeen ee u dambeeyay seexanayay Duleedka Gurigiisa Kadib markii ay qoyday alaabtii guriga u taalay.

“Roobkii habeenkii dhaweyd ka da’ay Hargeysa oo kale ayaa ka da’ay Magaalada Badhan waxaa ku dhaawacmay Saddex qof, shan iyo soddon gurina way ku burbureen oo jiingaddii ayuu roobku kala tagay”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Badhan waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Anigu Caawa (Xalay) Gurigaygii waxaan ka hurdaa Bannaan, jiingaddii iyo qorigii dabeylihii ayaa wada qaaday, alaabtiina waa wada qooyay”

Guddoomiye Cabdixakiin Axmed Maxamuud,  waxaa uu sheegay inaanay Jirin Gargaar ay Xukuumadda Somaliland u fidisay dadkaasi ay waxyeeladu kasoo gaadhay roobkaasi isagoo ku dooday inaanay Maamulka Gobolka Badhan Shacab ka qaadin Cashuur isla-markaana ay yartahay miisaaniyadda ay dawladdu wax ugu qaban lahayd dadka Gobolkaas ee Dhibaatadu kasoo Gaadhay Roobka dabeylaha Watay “Walaal Anigu cashuur kama qaadno dadka mana haysano awood dhaqaale oo aanu ku caawino xaalad aanu gaadiidka ku kabno mooyee  dadka dhibaatadu soo gaadhey”ayuu Yidhi Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud.