Xisbiga WADDANI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay 140 Qoys Oo Danyar ah Oo Ku Dhaqan Hargeysa

0
765

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta mar kale daah furay qeybta labaad ee barnaamijkii LA’ AFUR WADDANI oo xisbigaasi uu bisha Ramadaan ku afuriyo dadka danyarta ee ku kala dhaqan gudaha Somaliland, waxaana ay maanta 140 qoys oo danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa ay gaadhsiiyeen deeq raashin ah oo isku gu jirta Daqiiq, Sonkor iyo Saliid.

Munaasibad kooban oo loo qabtay guddoonsiinta raashinkan dadka danyarta ah, ayaa waxa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, madaxa barnaamijkan La’Afur WADDANI Layla Qulumbe, xoghayaha dalxiiska Md.Mubaarik Cabdi Xasan, mas’uuliyiin kale iyo dadkii danyarta ahaa ee lagu wareejinaayey deeqdan Raashinka ah.

Marwo Layla Qulumbe oo ah madaxa barnaamijkan LA’ AFUR WADDANI ee xisbigaasi, oo ugu horreyn halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in ay si aada ugu faraxsan tahay bixinta deeqdan raashinka ah, waxaana ay tilmaantay in deeqdan raashinka ah ay soo bixiyeen taageerayaasha xisbiga WADDANI ee qurbaha, iyada oo carabka ku dhufatay in mar walba ay ka go’an tahay caawinta dadka danyarta ah.

Wadani Raashin3

Mid ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee la guddoonsiiyey deeqdan raashinka ah, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in xisbiga WADDANI uu soo gaadhsiiye deeqdan raashinka ah xilli ay baahi badan oo xoogga u qabeen, waxaana ay u duceeyeen dhammaanba dadkii ka soo qeyb-qaatay taborucaadkan khayriga ah.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed oo deeqdan raashinka ah guddoonsiiyey dadka danyarta ah, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay farxad xoog ah u tahay in deeqdan ay guddoonsiiyaan dadkan danyarta ah, waxaana uu tilmaamay in deeqdani ay tahayd tabarucaadkii labaad ee khayriga ah ee xisbiga WADDANI uu bisha Ramadaan kaga qeyb-qaadanaayo afarinta dadka danyarta ah, isaga oo sida oo kalena xusay in mar walba ay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada iyo caawinta dadka danyarta ah.