Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Boorame Kaga Qaybgalay Xaflad Uu Si Rasmiya KULMIYE Ugu Biiray Prof. Axmed Ismaciil Samatar

0
770

Munaasibad lagu qabtay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka AWDAL, ayuu si rasmiya ugu biiray Xisbiga talada haya ee KULMIYE Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo hore Madaxweyne isaga sharaxay Soomaaliya, balse saddexdii sanno ee u danbeeyay  dib uga noqday mawqifkiisi Soomaaliweyn.

Munasibada loo qabtay ku biiritaanka Prof. Samatar ee Xisbiga KULMIYE, waxa ka soo qaybgalay Hoggaanka sare ee Xisbi xaakimka oo uu hormuud aha Guddoomiyaha ahana Murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud. Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo ay isku jifo hoose ka soo wada jeedaan Prof. Samatar ayaa isna ka qayb galay Xafladaas.

Hogaanka Kulmiye

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagadaasi markale u taagan xisbiga KULMIYE doorashada madaxtooyada ee soo socota Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isagu  hadda soo xidhay xafladda soo dhawaynta xisbiga KULMIYE u sameeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku biiray xisbiga maanta, taas oo ka dhacday huteelka Sow ee magaalada Boorama.

Xafladaasi waxa khudbado muhiim ah ka jeediyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Prof. Axmed Samatar, Amb.Cawil Cali Ducaale, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Saylici iyo masuuliyiin kale oo wasiirro ka mid yihiin.