Madaxweyne Silaanyo oo Xalay soo booqday dadkii ku wax yeeloobay roobkii ka da’ay Haregysa

0
872

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa caawa kormeer degdeg ah ugu baxay, soo eegista khasaaraha uu dhaliyey roobka duufaanka ah ee ku dhuftay magaalo madaxda Hargeysa intii u dhaxaysay casar gaabadkii iyo Afurkii.
Duufaantan oo aan nooceeda hore loogu arag dalka ayaa dhalisay khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh isla markaana dumiyey guryo badan, kuwo kalena saqafka ka qaaday. Waxa kale oo roobku dhulka la simay, rujiyeyna tiirarkii laydhka oo qaarkood sabbad yihiin iyo boodhadhkii, dhiishashkii, geedihii iyo xadhkihii korantada oo uu goo’gooyey.
Waxa kale oo uu roobku gooyey jidadkii magaalada isaga gudbayey, ka dib markii ay daadadku ku fataheen ee ay dhagxaan iyo geedaba dhigeen jidadka, waxa kale oo iyana tuulmay jiingadihii iyo looxaantii uu ka gooyey guryaha roobkaasi maray caasimada.

Madaxweynaha ayaa isla markii roobkaasi qaadayba waxa uu kormeer ugu baxay magaalada isagoo abbaaray cusbitaalka guud ee caasimada Hargeysa oo ah halka lagu soo ururinayey, dhaawaca iyo dhimashada dadka soo gaadhay.

Madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegeystay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo uu horkacaayo wasiirka wasaaradda Caafimaadku, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Agaasimaha Cusbitaalka guud Dr Axmed Sheekh Cumar Askar, iyagoo sheegay ilaa markaa madaxweynuhu marayey inay soo gaadheen saddex qof oo dhimasho ah iyo 19 qof oo dhaawac ah, badina ay masuuliyiintu ku sheegeen, in dhaawacoodu sahlan yahay hase ahaatee ay jiraan dhawr qof oo dhaawacoodu culus yahay.

Madaxweynuhu intaa ka dib waxa uu mid mid u dul istaagay dadka dhaawaca, isagoo, Illaahay uga beryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxa kale oo uu madaxweynuhu booqday bukaan jiifkii hore u yaalay cusbitaal oo ay ku jireen xubno qaranka caan ka ah kana mid yihiin, Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso,
Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (Xil dhaadheere), Maxamuud Seeraar Diiriye, Aamina Yuusuf Aar (Aamina Timo dheere) iyo laba Wiil oo dhalin yaro ah oo mid uu dhalay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cali Xasan Maxamed.
Gebegebadii, markii madaxweynuhu ka soo laabtay kormeerkaasi, waxa warbixin saxaafadda siiyey Afhayeenka Madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Sh, Cilmi Faahiye (Shamax), Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Jaamac Cabdilaahi Biin, Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Cabdilaahi Fadal iimaan, halka ay gurmadkaasi madaxweynaha ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Maayar ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Caga-weyne, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, iyo Kuwa Wasaaradda Madaxtooyada.

13394000_983470545100132_527162599427592366_n 13406887_983469071766946_8296906919727973218_n 13432174_983468748433645_5982509901315574768_n 13432226_983468791766974_122729554862885532_n 13442402_983471208433399_4572845330579741159_n

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.