Shirkada Dahabshiil ayaa ku guulaysatay laba abaal-marin oo caalami ah, kuna saabsan Maamul Wanaaga Aduunka

0
333

Shirkada Dahabshiil ayaa ku guulaysatay laba abaal-marin oo caalami ah, kuna saabsan Maamul Wanaaga Aduunka (Global Good Governance.) Abaalmarinadan oo ay bixisay hay’adda CambridgeIFA, oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa Maamul Wanaaga Aduunka, ayaa kala ah “Adeegyada ugu Wanaagsan Qurba-joogta” iyo “Xawaalada ugu Fiican” Abaalmarintu waxay xaqiijinaysaa in heerarka adeegyada shirkada Dahabshiil gaadhay sida xawaaladaha caalamiga ah ee adduunka, iyagoo bixiya adeegyo fudud, degdeg ah, macaamil ganacsi oo sugan adduunka oo dhan. Abdirashid Duale, oo ku hadlaya magaca shirkadda Dahabshiil ayaa u mahadceliyey qaban-qaabiyayaasha sida ay u qireen shaqada ay Dahabshiil qabato. waxa uu intaa ku daray in hadafka shirkadu yahay inay u fududeyso bulshooyinka jilicsan ee ku nool meelaha fog sidii ay u gaadhilahaayeen lacagaha loo soo diro. Duale ayaa u mahadceliyey macaamiisha Dahabshiil, hawlwadeenada, wakiillada iyo taageeradooda joogtada ah.