Warancadde & Sul Xiiray Oo Bilaabay Olole Siyaasadeed

0
685

Siyaasi Cali Warancadde oo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ku jiray buulka siyaasadda, ayaa hadda u muuqda inuu hanqalka la soo kacay,kaas oo ka dhex bilaabay dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed beeshiisa, kuwaas oo ah qaar uu ku wacdiyayo in ay doorashada Madaxtooyadda la dhisaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay codka siiyaan.

Kullamo tabliiq siyaasadeed ah ayaa la sheegay inuu bilaabay Siyaasi Cali Warancade,kuwaas oo uu ka bilaabay beeshiisa,waxaana la sheegay inuu kullamo la yeeshay dhallinyarada wax-garadka iyo wayeelka beeshiisa, kuwaas oo u sheegay in isaga xil wasiir-nimo la siinayo,isla markaana loo baahan yahay inay taageeraan doorashada soo socota Madaxweyne Biixi, maaddaama oo uu beesha siiyey xilal culus oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Taliyaha ciidanka Booliska.

Dhanka kalena waxa la sheegay in Warancadde uu garabsanayo oo uu soo aakhri toosiyey Suldaan Xiirey, kaas oo isna la wadda olollaha aan xilligiisa la gaadhin ee uu Warancadde beeshiisa ka dhex bilaabay,kaas oo ah mid uu kaga dhaadhicinayo inay doorashada Madaxtooyadda marka la gaadho ay codkooda siiyaan Madaxweyne Biixi.

Suldaan Xiiray ayaa la sheegay inuu shidhka u saaran yahay Warancadde markasta, waxaana la sheegay in isaga qudhiisu madalo uu ka qayb-galay uu beeshiisa u jeeddiyey oo uu ku wacdiyey inay taageeraan oo ay codka siiyaan Madaxweyne Biixi doorashada Madaxtooyadda ee soo socota,waxaanu ku andacooday Xiirey in Muuse Biixi uu beesha abaal gashaday, isla markaana uu xilalka ugu waa weyn siiyey, haddana ay ka naawilayaan in wasiir shilis uu u magacaabo Siyaasi Cali Warancadde,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo.
Farxaan Haybe “Xilal Culus aynu Madaxweynaha uga abaal celino doorashadiina way dhawdahaye..”
Si kastaba ha-ahaatee Suldaan Xiiray iyo Cali Warancadde ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed iyo olollaha doorashada Madaxtooyadda ee aan wakhtigiisa la joogin,kuwaas oo ah qaar ay beesha ay ka soo jeedaan kaga sii dhaadhicinayaan in doorashada Madaxtooyadda ay dhisaan Madaxweyne Biixi,kuwaas oo ku andacooday inuu beesha siiyey Madaxweyne Biixi xilal culus,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo.

@ Wargeyska Waaberi