“Xisbiyada Waxaynu U Samaysanay Inaynu Kaga Gudubno Nidaamka Qabyaaladda..”

0
346
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI
Xildhibaan Axmed Yasin Sh. Cali Ayaanle

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madax-dhaqameedka Somaliland uga digay inay ku milmaan Siyaasadda, kuna hadlaan hadalo umadda kala fogaynaya, waxaanu si gaar ah ugu jawaabay Boqor Buurmadaw.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “In laga dheeraado Qabyaaladda ayaa haboon, Xisbiyada waxaynu u samaysanay inaynu ka gudubno nidaamka qabyaaladda ee Madax-dhaqameedku maaha inay ku hadlaan hadalo caadifad ah oo qabyaaladda salka ku haya, Xisbiyadana reero iyo beelo ma wada leh ee dad is fahmay ayaa wada leh, laba qof oo walaalo ah ayaa kala Xisbi noqon kara, markaas Madax-dhaqameedku ha ka dheeradaan Qabyaaladda”.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka Xukuumadda ee ah inay Xisbiyada Mucaaradku isticmalaan Warbaahinta Dawladda ayuu yidhi “Siday ku dhacayso garan mayno inay Xukuumaddu ogolaato in Warbaahinta Qaranka Xisbiyada Mucaaradku isticmalaan, haddii ay dhaqan-gashana waa arrin loo baahan yahay oo waan soo dhaweeynaynaa ee waxaanu leenahay ha lagaga dhabeeyo..”