“Shirweyne Kootaysan Oo Aan Kulmiye U Dhamayn-baa La Qabanayaa”

0
338

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee la filayo in bisha dambe hortaanteeda uu qabsoomo, waxaanu xusay in aan si xor ah oo Dimuqraadiyad ku salaysan aan loogu tartamayn ee si kootaysan loo qabanayo.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaa la yidhi Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa qabsanayaa, laakiin umadda yaan been loo sheegin,  Shirwayne  kootaysan oo Kulmiye u dhamayn baa la qabanayaa, Shirweynaha Kulmiye in si xornimo iyo caddaaladi ku jirto oo Dimuqraadiyada ku saleeysan in loo qabto ayey ahayd, laakiin taasi ma jirto, mana dhacayso, lamana rabo inay Xisbiga si xor ah looga dhex tartamo”

Jaamac-shabeel ayaa hore u ahaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, balse khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka sare ee xisbigaasi ayaa sababay in laga saaro isaga iyo siyaasiyiin kale oo muddo dheer Xisbigaa ka mid ahaa.