Shir Laf-jab Ku Ah Qaranimada Somaliland Oo Dalka Jabuuti Ku Dhexmaray Xubno Xukuumadda Siilaanyo Dirsatay Iyo Xubno Dawlada Xasan Sheekh Ka Socday + Magacyada Xubnaha Labada Dhinaca Iyo Ujeedka Shirka.

0
1166

Ujeeda Shir-doceedyo Kooxo Ka Kala Socda Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Dhex Maraya Jabuuti, Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Jookarka Dillaal Ee Xukuumadda Siilaanyo Iyo Dano Aan La Aqoonsan Oo Mar Walba Xukuumaddu Ka Raadiso Xukuumadda Soomaaliya Kadib Wada Hadaladii Madhalayska Noqday.

Shir Waji Gabax Ku Ah Jiritaanka Qarannimada Somaliland iyo Masiirka Umadda Reer Somaliland ayaa Todobaadkii hore ku dhex maray Dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti Wasiiro ka socday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiiro ka socday Dawlada Soomaaliya ee uu gadhwadeenka ka yahay Xasan sheikh Maxamuud oo uu dillaal ka ahaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la sheegay in lagaga wada hadlay arimo Xasaasi ah oo aad loo qariyay isla markaana aan Cunaha u dhaafayn Dad badan oo reer Somaliland ahi marka ay maqlaan.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo Xaqiijiyay in Kulankaasi ay Dhinaca Somaliland ku matalayeen oo ay uga qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane Iyo Siyaasi ka soo jeeda Beesha degta Gobolka Salal ee Ciise oo isagu si gaar ah ugu tolnaa Wasiirka, oo aanay noo suurto galin in aannu helno Magaciisa, Waxa sidoo kale dhinaca Somaliland ka tagay oo kulankaasi ka qayb galay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Dawladii UDUB, imikana ah La-Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arimaha Ictiraaf Raadinta Ambasaddor Xuseen Cali Ducaale (Cawil), iyo sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isagu Muddooyinkii dambe noqday Dillaal firfircoon oo xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE si weyn ugu dhex milmay.

Dhinaca Dawladda Soomaaliya Waxa kulankaasi loo soo diray oo uga qayb galay ,islamarkaana qaabilay Waftiga uga tagay dhinaca Somaliland masuuiyiin uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasi oo uu u soo dhiibay Qorshaha iyo Awaamiirta kulankaasi ku duugnaa, waxa ka mid ahaa Xubnahaasi Wasiirka Dekadaha Dawlada Soomaaliya Nuur Faarax Shirdoon iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo labadooduba dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, Kuwaasi kulan saacado badan qaatay la yeeshay Wasiiradaasi iyo Xubnahaasi kale ee xagga Somaliland ka socday. Kulankaasi oo aad loo ilaaliyay in Wax xog ahi kasoo baxaan,iyo in wax laga ogaado,ayaa Waxa uu ka dhacay Huteelka Sharaton ee kuyaala Badhtamaha Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay kulankaasi ayaa tibaaxay in Kulankaasi uu ku saabsaabsanaa soo Xulista Xildhibaanada uga Qayb galaya Beelaha Dir ee Soomaaliya Doorashada soo Socota ee ka dhacaysa Dalka Soomaaliya, Waxaanay arrintaasi gabi ahaanba ka hor imanaysaa islamarkaana ay liddi ku tahay Gooni isutaaga Qaranimada Somaliland iyo shuruucda qaranka oo xaaraan timaynaysa in aan dawladda Soomaaliya wax ku saabsan siyaasadeeda marnaba lala wadaagin oo aanay Somaliland khusayn, iyada oo aanay Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay sannadki 1991-kii aanay mar kali ah qayb ka noqon waxba la qaybsan meelna lasoo fadhiisan maamuladii maqaar saarka ahaa ee kala dambeeyey ee dalkaasi Soomaaliya beesha caalamku ka yagleeshay.

Arrinkan oo ah mid aanay qaadan Karin umadda Somaliland ayaa noqonaya markii ugu horraysay ee kulan noociisa oo kale ah ay ka qayb galaan Xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Dhinaca Kale, Xogo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay in Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Cawil Cali Ducaale ay mudooyinkii u dambeeyay ku laba noqonayeen Dalka Jabuuti oo sida la sheegay ay door wayn ku lahayeen Qabsoomidda shirkaasi iyagoo dilaaliin ka ahaa Kulankaasi Laf-jabka ku ahaa Qaranimada Somaliland ee danta dhaqaale hagoognaa. Dhinaca kale Waxa mudooyinkii u dambeeyay Dalka Somaliland ku sugnaa oo aad loo hadal hayay Xubno Mabda’ ahaan Soomaali weyn aaminsan oo u dhashay Somaliland,kuwaasi oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka Soomaaliya iyo Ashkhaas kale oo si hoose odayaal dhaqan ula wada hawlo la xidhiidha soo xuliska aqalada baarlamanka dalkaasi Soomaaliya xubnaha uga qayb galaya ee Somaliland ka soo jeeda oo wali si qarsoodi ah loo xulayo, kuwaasi oo wixii warar ah ee dambe ee aannu ka helno bulshada la wadaagi doono. Muqdisho iyo Hargeysa ayaan wali midna war rasmi ah kasoo saarin kulankaasi qarsoodiga.