Caasimadda Gobolka Togdheer Iyo Guud Ahaan Gobolada Bari Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Cududdii Is-Bahaysiga KULMIYE Kula Midoobeen WADDANI Iyo Xilka Sare Ee Hogaamiye Xirsi Cali Xasan

0
1202

Kadib Markii maalinimadii Arbacadii aynu soo dhaafnay si rasmi ah shaaca looga qaaday in ay si buuxda u midoobeen Garabkii Is-bahaysiga Dimuquraadiyad Doonka Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI sidoo kalena ay soo baxeen xogo tibaaxay saami qaybsiga ay Garabkaasi ka heleen xisbiga WADDANI waxa si weyn fal-celin iyo falan qeyn u badan hambalyo iyo farxad ku soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo Is-bahaysiga KULMIYE oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid miisaan weyn iyo si badal siyaasadeed dalka ka dhalin doona gaar ahaan deegaamada sida weyn looga soo dhaweeyey tallaabadaasi siyaasadeed waxa ka mid ah Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag oo heshiiskaasi ku macneeyey mid aan kaliya faa’iido weyn u lahayn xisbiga WADDANI ee dalka oo dhan faa’iido ugu fadhiya maadaama laga dheehan karo wax wada yeelashada siyaasiyiinta ka soo kala jeeda beelaha Somaliland.

Taageerayaasha Garabkii Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE ee Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa la sheegay in ay hambalyo iyo bogaadin ku qaabileen natiijada ka soo baxday Kulamadii gorgortanka ahaa ee dhinacyada Is-bahaysiga KULMIYE iyo WADDANI muddoda u soo socday iyaga oo si gaar ah u hambalyeeyey xilka cusub ee Miisaanka leh ee Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ka qaban doono Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay u arkaan mid gabo ahaanba baddalay wajigii qabiilaysnaa ee dadka qaar ku xaman jireen qaab dhismeedka mulkiyeed ee xisbiyada qarankeenu u dhisan yihiin iyaga oo tallaabada Guddoomiyaha WADDANI ku dhiirraday ee uu ku soo dhaweeyey siyaasiyiintaasi miisaanka leh ee Xirsi Hogaaminayay ku tilmaamay mid geesinimo oo uu kaga badheedhay sidii loo beenin lahaa aragtiyaha ku qotoma qabyaaladda ee kala sheegashada xisbiyada qaranka taasi oo WADDANI god ku hubsaday horena u qaadi doonta hannaanka wax wada yeelasho iyo dhismaha nidaamka dimuquraadiyadeed ee xisbiyada dalka.

Wariye ka tirsan Wargeyska Foore oo u kuur galay goobaha Bulshadu ku kulanto ee Magaalooyinka Burco, Caynaba, Laascaanood, Ceerigaabo, Ceel-afweyn, Gar-adag iyo deegaamada Goboladaasi hoos yimaad ayaa muujiyey sida taageerayaashii Garabka Is-bahaysiga KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI ee deegaamadaasi ugu farxeen go’aankaasi labada dhinac ku midoobeen oo ay ku tilmaameen mid jidka u xaaadhaya is baddal siyaasadeed oo mug leh oo qaranka ka dhaca kaasi oo ay umadda Somaliland baahi weyn u qabto iyada oo hadal haynta ugu badani ahayd mansabka cusub ee Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka qaban doono xisbigaasi WADDANI oo ah Hogaamiyaha xisbiga iyaga oo sidoo kale si weyn u soo dhaweeyey go’aanka hogaanka xisbiga WADDANI ku qaateen in guddoomiye Cirro xilka Guddoomiyenimo ee xisbigaasi ku wareejin doono Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah rug caddaa ku suntan dib u dhiskii qaranka Somaliland.

Dhallinyarada taageerayaasha u ahaa Garabka Is-bahaysiga KULMIYE iyo waliba Taageerayaasha xisbiga WADDANI ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyey hadal hayntooda ugu badanina ku dhex maraysaa goobaha ay ku kulmaan iyo baraha xidhiidhka Bulshada ee Internetka xilka Hogaamiyaha xisbiga WADDANI ee la filayo in uu noqdo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay ku tilmaameen shakhsiyad Firfircoon, dadaal badan, wax weyna ku soo kordhin doona guud ahaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Berri oo Axad ah ayaa la filayaa in faahfaahimo dheeraad ahi ka soo baxaan heshiiska rasmiga ah ee ay ku midoobeen labada dhinac ee Is-bahaysiga KULMIYE iyo WADDANI iyada oo la filayo in ay isugu yimaaddaan xaflad baalaadhan oo ay ku midoobaan qalinkana si wada jir ah ugu duugaan heshiiska ay wada gaadheen iyada oo xogo hordhac ahi tibaaxeen in saamu weyn WADDANI laga siiyey garabkan isbahaysiga.