Cali Guray Oo Kabaha La Dul Maray Maxamed Kaahin Kuna Tilmamay Mid Hurada Oo Aan Duni War U Hayn

0
2862

Saaxiibkay Maxamed Kaahin ma jecli in aan u jawaabo oo aan u jawaabo jawaabta uu istaahilo. Wuxu been cad oo qaawan ka sheegay farogelinta xisbigiisu uu ku hayo Xisbiga UCID iyo sidii uu u curyaamin lahaa hadii uu kari waayo in uu gebi ahaanba burburiyo wax teelo ahna uma dhiganin dagaalkina wuu socdaa hadii Alleh yidhaa guushana UCID baa leh. Annaga yaanu naga dhigin dad indho la’ oo dhego la’ oo aan godobtoodu halkay tahay garan karin. Cirro iyo
WADDANI in kasta oo ka mucaarid ahaan aanay iskaayo dhinac taagin oo iska daa waxtar eh xataa aanay erayna noo odhan wax ay na yeeleen ma jirto.
Maxamed Kaahin waxan leeyahay “Maxamadow Aar Nin Ganay Iyo Nin Galaday Kala Og”. Ninkii gabyay wuxu yidhi:
NIN I LURAY NIN IGU LAADSADAY IYO NIN I LAMAANEEYAY
IYO NIMAAN LURKAYGANA JECLAYN LIBINA II DIIDAN
INTAASUU ISUGU LOOHAN YAHAY LOOLKI II XIGAYE