“Cirro Ayaan Faysal Ahayn” Cali Guray Oo Faallo Isbarbar Dhig Ah Ka Sameeyey Kala Duwanaanshaha Hoggaamineed Ee Faysal Iyo Cabdiraxmaan Cirro.

0
1161

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa is barbar dhig kooban ku sameeyey xaaladda hogaamineed ee labada Guddoomiye Xisbi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Faysal Cali Xuseen kadib go’aan qaadashii Cirro la sheegay in uu ka qaatay wareejinta Guddoomiyaha xisbiga WADDANI kadib Musharraxnimadiisa Xisbiga.

Cali Guray ayaa sheegay in Faysal xisbigiisa Dumiyo halka guddoomiyayaasha xisbiyada kale xisbiyadooda ka dhisaan waxaanu yidhi: “Bal ka waran hadii uu rumoobo warka WADDANI oo Cabdiraxmaan Cirro uga tanaasulo Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Aw Cali inu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga isaguna uu Musharaxa Madaxwaynaha noqdo. Hadda ogow Faysal Cali Waraabe laftiisu maalin maalmaha ka mid ahayd wuxu ogolaa inu Jamaal Cali Xuseen noqdo musharax Xisbiga UCID lakiin markii uu Jamaal soo saaray UCID oo hadii kale la hubay inu saaxadda ka bixi lahaa ayuu isku rogay markii UCID ku guulaystay in 10 sanadood oo kale uu saaxadda siyaasadda ku sii jiro. Cabdiraxmaan Cirro mar hadii uu ogolaado oo u codeeyo gudoomienimada Xildhibaan Cabdilqaadir oo codkiisa siiyo ama ha ku guulaysto ama yaanu ku guulaysanin tartanka jagada Madaxwaynaha eh ma laga yaabaa in sida Faysal uu maalin maalmaha ka mid ah isku rogo uu ku qabso yidhaa ku qadimayside gudoomiyenimadii uu uga tanaasulay Cabdilqaadir Jirde?
Anigu isma lihi waayo Faysal waa qof ka duwan qof kasta oo dadnimo iyo damiir iyo diinba leh marka aad eegto hab-dhaqankiisa. Markaa waxan is leeyahay Cabdiraxmaan Cirro intii uu beri ku qabsan lahaa maanta ayuu diidi oo aanu ogolaan doonin wax kasta ha ku waayo eh. Lakiin hadii uu ogolaado oo sidii Ina Cabdulle Xasan yidhaa XADHIGIISA QABO AADMI KALE KUMA XURMEEYEEN EH anigu ma filayo inu dib isugu rogi doono sida uu yeelay Faysal Cali Waraabe. Iga daa Gudoomiyaa la isku dhaafaye! Ma UCID oo aan Faysal Gudoomiye ka ahayn ayaa dhiniciisa cidi dhul dhigi lahayd. Ciil maan qabeen hadii uu nin wax maqlaya oo talo qaadanaya yahay ama wax ku qaadanayo casharada xisbiyada kale gudoomiyayaashoodu ay u dhigayaan. Halka ay iyagu xisbiyadooda dhisanayaan isagu kiisa burburintiisa ayuu ka shaqaynayaa” ayuu ku soo gabogabeeyey.