Somaliland: “Haddii La Kala Qaado Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada, Waxa Hubaal Ah In Somaliland Dhaxalsiinayso In Faraha Laga Qaado” Xildhibaan Qabile.

0
738

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey ee sheegayey inay Xukuumadda iyo Beesha Calaamku isku maan dhaafsan yihiin qabsoomida Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Wakiilada, oo la sheegay inay Xukuumaddu doonayso inay dib u dhigto, waxaanu xusay in haddii Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo in Dimuqaadiyadii iyo kalsoonidii Beesha Calaamku meesha ka baxayso.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay lixda goobood ee Xukuumaddu sheegtay inay ka qabanayso Diiwaangelinta, waxaanu Xukuumaddda kula taliyey in aanay qori iyo xoog isticmaalin ee Siyaasad wax ku xaliso, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Beesha Caalamku Doorashooyin la kala qaado may ogolaan, haddii la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada waxa hubaal ah inuu Somaliland dhaxalsiinayo in faraha laga qaado, jadwalka ay Beesha Caalamku haystaana waa in labada Doorasho mar la wada qabto, Golahayagan Wakiilada ee qol ku raga ah, Xukuumaddan muddo dhaaftay iyo Guurtidan dhaxalka noqotay haddii isbedel ku iman waayo oo aan Doorashooyinka la qaban waxay dhaawac iyo guul daro ku tahay geedi socodkii Dumiqraadiyada Somaliland, Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinkuna wey ku dardaarmeen oo waxay leeyihiin Doorashooyinka waa in wakhtigoodii lagu qabtaa, Haddii ay Doorashooyinka la kala qaado waxay inagu keeni kartaa go’doon cusub,”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile mar uu ka hadlaayey haddii inay Somaliland iskeed Doorashooyinka u qabsan karto ayaa yidhi “Doorasho tii Deegaanka oo kale ah oo ay inagu iska maamulano nusqaan bay keenaysaa oo dhibaatadii Doorashadaas inaga qabsatay xogogaal baynu u nahay, marka xigana Doorashadu waxay leedahay rabitaan ama nidaam aad Caalamka uga rabto aqoonsi Doorasho aan marag caalamiya lahayna waa ayaan daro, marka waxaynu rabnaa Doorashooyin xor iyo xalaal ah ee baahi maanta loo kala qaado ma jirto ee ha la qabto Doorashooyinka”.

Xildhibaan Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey xidhiidhka ka dhexeeya Doorashada iyo Nabadgalyada ayaa yidhi “Xasilooni iyo jawi nabadgalyo oo gogosha u xaadha Doorashooyinka baa dalkan laga rabaa, colaad sokeeye ayaa ka socota Dararweyne, Xukuumadduna waa inay doorkii ay ku lahayd ka ciyaarta oo coladaas labada beelood soo afjaraan, labada beelood waa inay is fahmaan oo joojiyaan dhiiga daadanaya.

Dhinaca kalena arinta Waqooyiga waa in aan laga eegin dhinaca Xisbi ee waa in laga eega wejiga guud ee Somaliland Iyo xasiloonida, haddii dacalada ay ka furmaan dagaalo sukeeye iyo cadho galin marba meel ka bilata Somaliland raad bay ku yeelanaysaa, Xukuumaddana waxaan ugu baaqaya in aanay deg deign, oo mar hore ayey ahayd in gogosha u xaadho oo ay wax ka qabato arimaha ka taagan Waqooyiga.”

Xildhibaan Qabile ayaa mar uu la hadlaayey reer Awdal waxa uu yidhi “Reer Awdal waxaan leeyahay umadda reer Somaliland kuma farxayso in reer Awdal ay la kowsato mushkilad madi aad ku noqotaan, haddii ay meel ka mid ah dalka wax ka dhacaan Somaliland oo dhan wey ku dhacday, waxaan leeyahay oo aan fariin u dirayaa reer Awdal oo aan leeyahay is dejiya, waxaan leeyahay arinta imika curadka ah waa mushkilad u baahan in laga hor tago madaama aanu wali dhiig ku daadan, dhimashana dhicin, Xukuumadda loogama baahna Tigniko iyo Xoog ee waxa looga baahan yahay Siyaasad iyo xasilooni,talaabada ay qaadaysana Siyaasad baa hogaamin karta ee Qori ma hogaamin karo”.