laanta af ingiriisida ee idaacadda codka Maraykanka ee (VOA)-da, ayaa warbixin dheer kaga hadashay ahmiyadda dhaqaalle iyo shaqo abuur ee dhoofka xooluhu u leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintaasi oo aad u dheerayd oo aanu soo turjunay waxay u dhignayd sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland sannad kasta waxa ay malaayiin xoolo ah u dirtaa Sucuudi Carabiya,kuwaasi oo ay isticmaalaan malaayiinka xaaji ee musliminta ah ee ku gudanaya xajka Makkah.

Xoolahaasi oo ah malaayiin  isugu jira  riyo iyo ido, ayaa waxa laga soo daad-gureeyaa agagaarka magaalada caasimada ee Hargeysa ee Jamhuuriyadda yar ee ku taal Geeska Afrika.Malaayiinka muslimiinta ah  ee Makka ku gudanaya waajibaadka xajka ayaa xoolahaasi oo  la geeyo Sucuudi arabiya,  waxa ay u qashaan duco ahaan.Ganacsiga xoolaha nool ee Bariga dhexe ayaa waxa uu ka noqonayaa 60% waxsoosaarka gudaha ee Somaliland, halka uu ka yahay shaqo ahaan 70%.Muslimiinta qaar ayaa u tixgeliya idaha madaxa madow in ay leeyihiin muhiimad diini ah oo la xidhiidha nebi Ibraahim.

Mowliid Xasan Jaamac , waxa uu ka shaqeynayay seyladda xoolaha Hargeysa toban sannadood.Waxa uu sheegay inuu ka xoogsado noloshiisa xoolahani, islamarkaana uu dareemayo inuu taageerayo bulshada muslimiintu in ay helaan munaasibad ciid xajeed oo wanaagsan.

Xoolaha marka laga iibsado seyladaha ayaa waxa loo raraa magaalada dekeda ah ee Berbera, halkaasi oo lagu sii caafimaadiyo toddobaadyo, laguna sameeyo tijaabo dhiigga ah iyo tallaalba.

Cali Maxamed Guulleed oo ah dhakhtar xoolaha ah ayaa sheegay in xeryaha caafimaadinta xoolaha ee Berbera ay qaadaan in ka badan malyan neef xilliga mooshinka xajku u sarreeyo. “Waxa aad iyo aad  muhiim u ah in aan ballan qaadno in aaney dalka iman xoolo sida wax cudur ah… sababta oo ah  waxa ay taasi noo saameynaysaa  si xun dhaqaale ahaan. Waxana ay keeni kartaa in xayiraad lagu soo rogo xoolahayaga, sidaa awgeed waxa aan hubinaa in neef kasta oo ka tagaya halkani ka bedqabo wax cuduro ah,” ayuu yidhi  Guulled.

Kadib marka la caafimaadiyo xoolaha ayaa waxa lagu raraa habeenkii oo jawigu qabow yahay maraaakiib qaada inta u dhexaysa 20,000 iyo  120,000  oo neef..

Somaliland ayaa waxay haatan waajaheysaa tartan kaga imanaya dalalka Suudan, Australiya oo iyaguna xoolo nool u soo dira xajka.

Cilmi baadhe Abdi Osman Haji, oo ka tirsan heyadda cuntada iyo beeraha ee QM oo taageerta qeybta xoolaha nool ayaa sheegay in ay tahay in Somaliland ay casriyeyso  ganacsigeeda xoolaha si ay hore ugu sii socoto.Waxa uu intaa raaciyay in looga baahan yahay Somaliland in ay ku dhaqanto oo ay u hoggaansato xaaladaha daryeelka xoolaha. Si kastaba ha ahaatee, dhoofka xoolaha nool ee Somaliland u dirtaa Succuudi Arabiya, waxa uu sii ahaanayaa mid lagama maarmaan u ah labada dalba.”