Somaliland: Shaqaaqo Sababtay Khasaare Iskugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac oo Mar Kale ka Dhacday Jiida Darar-weyne ee Gobolka Sanaag

0
1104

“Ciidankii Qaranka Iyo Booliskiiba way Gaadheen Babbaddiinna Way Joogsatay laakiin Khasaaraha kuuma Sheegi karo imika” Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

Dagaal  khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay ayaa mar kale ka qarxay deegaanka Darar-weyne iyo  Dogoble oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka shalay fiidnimadii dib uga bilaabmay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afweyn,oo halkaa ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah ayay siyaabo kala duwan uga hadleen Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay iyo Maayarka degmada Ceel Af-weyn Cabdiraxiin Aw Yuusuf. Dadka deegaanka oo wargeyska  DAWAN  la xidhiidhay ayaa sheegay in khasaaraha dhimasho uu yahay saddex halka dhaawacana ay ku sheegeen shan ruux.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo aanu khadka  Telefoonka  kula xidhiidhnay, ayaa sheegay in dagaalku istaagay isla  markaana ay gaadheen gurmadka ciidanka qaranka iyo booliska oo kala dhex galay labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu dhex martay isla markaana waxaa uu baaq nabadeed u diray labada beelood oo uu ku waaniyay in ay nabad-gelyo iyo wanaag arrinta ku soo dabbaalaan isla markaana wada hadal la isugu yimaado.

“Meesha dhibaato ayaa ka dhacday laba beelood oo walaallo ah ayuu shaydaanku isku qaaday oo dagaal dhex maray, laakiin markiiba waa loo gurmaday oo ciidankii qaranka iyo booliskuba way gaadheen dhan walbana waa looga soo gurmaday xabadiinna way joogsatay oo ciidamda ayaa kala dhex galay, kolay khasaare dhimasho iyo dhaawacba wuu jiraa laakiin imika tiro sugan idiinma sheegi karo oo socod ayaan ku jiraa oo  oo hadda(xalay fiidkii)  ayaan soo galay Ceel-afweyn,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

 

Dhinaca kale Maayarka degmada Ceel Af-weyn oo halka dagaalku uu ka dhacay ay ka tirsan tahay degmadiisa oo wargeyska DAWAN, wax ka waydiiyay ayaa sheegay in dagaalku xilli fiid ah bilaabmay isla markaana illaa habeenimadii uu socday wax gurmad  nabadeed ah oo kala gaadhayna aanay jirin.

 

“Dagaalku xilli fiid ah ayuu bilaabmay oo habeen ayay noqotay meeshuna aad ayay nooga durugsan tahay markaa aroorta ayuub naa gurmadku bixi karayaa haddaan habeenku  kala joojina cid kala dhex gashay oo illaa imika gaadhay ma jirto khasaare nafeed iyo dhaacana wuu jiraa laakiin wakhtigan(xalay) tirada khasaaraha iska hor imaadka  ka dhashay kuuma sheegi karo oo waa habeenimo war suganna wali lagama hayo dagaalkuna ma joogsan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ceel-afweyn.

 

Guddoomiye Cabdiraxiin oo ka  jawaabayay su’aal laga waydiiyay ka maamul degmo ahaan sababta ay gurmad nabadeed oo deg deg ah uga geli waayeen iyo waxa keenay dagaalka dambe haddii hore labada dhinac loo heshiisiiyay oo dawladduna go’aamo ka soo saartay,ayaa yidhi. “Horta gurmadka meeshu masaafo fog ayay noo jirtaa dagaal habeenimana lagama ergayn karo ciidan na soo gaadhay oo aanu ku kala dhex geynaan wali nooma iman oo imika iyo wixii ka dambeeya ayuun bay soo dhaqaayayaan ciidamadu. dagaalka soo noqoshadiisana ficil shaydaan ayuun baan ku sheegi karaa sabab kale oo dhiig loo daadiyo ma garanayo,imkana waxaan leeyahay dagaalka joojiya oo ALLE ka baqda oo Islaamnimada u soo noqda,kollayna dawladdu go’aan ayay ka qaadan doontaa oo dib u dhici mayso in ay si yar laba reer oo hubaysani degmada isugu laayaan.”

 

Labada Masuul ee heer gobol iyo degmo ayaa gabi ahaanba sheegi kari waayay iska hor imaadka  deegaanka ay masuuliyiinta ka yihiin ku dhex maray labada beelood ee walaalaha ah inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhashay dirirtaas. Waxaa kale oo ay ku kala duwanaayeen oo aanay isku waafaqsanayn  xalay in dagaalku socday iyo in gurmad kala gaadhay uu jiro.

Dhinaca  kale labada beelood ee shalay fiidkii dirirtu dhex martay ayaa hore isla deegaankaas shaqaaqo dhimasho iyo dhaawacba sababtay uu ugu dhex martay,iyadoo dagaalkaa hore ka dib ay Xukuumaddu gurmad nabadeed ka gashay oo ay goobtaa gaadheen Wefti Wasiirro,xildhibaano,madaxdhaqameed iyo culimo isugu jiray oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo imika ah  Safiirka Somaliland ee Itoobiya iyadoo dirirtaa lagu soo afjaray gogol nabadeed oo labada beelood la isugu keenay Ceel-afwayn isla markaana Xukuumaddu go’aamo ka soo saartay dhul daaqsmieedka deegaankaas lagana mamnuucay in deegaamayn cusub laga sameeyo.

Dagaalka shalay ayaa noqonaya markii labaad ee laba  bilood gudahood ay labadan  ardaa  diriraan khasaare dhimashiyo dhaawacna soo kala gaadho