Somaliland: Odayaal Ka Soo Kala Jeeda Beelaha Sacad Muuse Iyo Ciise Oo Markii Ugu Horraysay Kulan Gaara Ka Yeelan Doona Xaaladda Deegaamada Woqooyiga Hargeysa Ee Diiwaan Gelintu Ka Bilaabmayso Dhawaan

0
1297

Kolanyo Baabuura Oo Shalay Hargeysa Ka Qaaday Odayaal Iyo Waxgarad Kusii Jeeda Kulan Gaara Oo Beelahani Kaga Arrinsan Doonaan Xaaladda Deegaamada Diiwaan Gelinta Laga Bilaabayo

Odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda Beesha Woqooyiga, Galbeedka Iyo Koonfur-galbeed Gobolka Maroodi Jeex (Sacad Muuse) ayaa shalay ka ambabaxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa kuwaasi oo la sheegay in ay kulamo hoose la yeelan doonaan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Ciise ee Degmada Lughaya.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola odayaasha shalay ka ambabaxay caasimadda Somaliland Hargeysa ayaa la sheegay in uu daarran yahay kulan ay muddoba qotshaynayeen oo la sheegay in uu dhex mari doono odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise ee Degmada Lugaha kuwaasi oo nuxurka kulankooda lagu sheegay mid la xidhiidha xaaladda degmooyinka Lixda ah ee dhawaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku dhawaaqday in ay ka bilaabmayso diiwaan gelinta codbixiyaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay kal dambe ka qabsoonto dalka.
Ilo-xog ogaal ah oo u dhuun daloola kulankaasi dhex mari doona labada dhinac ayaa la sheegay in uu la xidhiidho xidhiidh maalmihii ugu dambeeyey ka dhex dhashay labada dhinac oo la sheegay in ay ka wada hadlayaan xaaladda hadalka dhalisay ee ka taagan degmooyinkaasi lixda ah oo in muddo ah xayirnaa balse xukuumaddu go’aansatay in wakhtigan diwiaan gelinat cod bixiyaha la geeyo. Maadaama aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay safarka odayaashaasi ku tageen deegaamada xeebta Woqooyi Galbeed ee Somaliland ayaan la ogayn waxa uu rasmi ahaan daarran yahay iyo ajandihiisa balse wararka duulduulka ah ee ku lammaan arrinkaasi ee Wargeyska FOORE xalay soo gaadhayay waxa ay qaarkood tibaaxayaan in labada dhinac isla eegi doonaan sidii deegaamadaasi ay xaalad nabad gelyo ay ugu wada dhaqmi lahaayeen beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland ee wada degaa loona ilaalin lahaa danta caamka ah iyo nabad gelyada iyo sidii xaaladda looga saari lahaa hadalada xanafta leh ee dadka kala kaxaynaya.
Maalmihii ugu dambeeyey ayay ahayd markii odayaal ka soo kala jeeda Gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal hadalo kulul saxaafadda isku mariyeen kuwaasi oo ka dhashay fal-celinta go’aanka xukuumaddu ku gaadhay in deegaamada Hulka, Ceel Sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel La Helay, Bildhaanley iyo Damasha ay ka dhici doonto diiwaan gelinta doorashada Madaxtooyada dalku taasi oo keentay dareeno kala duwan oo qaar ka mid ah madax dhaqameedku ka bixiyaan.