Somaliland: Berbera Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Qaranimda Somaliland Ee 18 May + Sawiro

0
849

aaka Waabarigii Markii laga soo baxay salaada subax ayaa magaalada Berbera waxa Bilawday Dahwaaaqa sameecadaha oo Tobanaan baabuur Lagu Xidhay Heesaha Maalinta Xiriyada somaliland ee 18may

Dhamaan hay’adaha dawlada ,Kuwa Shacabku Leeyahay iyo Ciidamada bada ,Milatariga ,booliisska iyo Asluubta ayaa Isla jaan qaaday oo socod Dheer Ku maray wadada, Afaafka Magaalada laga Soo galo illaa Goobtii fagaaraha ahayd ee Xuska lagu qabanayay.

Munaasibadan Ayaa Bishii U Danbaysay abaabulkeeda Siwayn ay Uga shaqeeyeen badhasabka gobolka ,Duqa Berbera, Maareyahay dekada  iyo Gudi Firfircoon oo hawshan Isku Duba Riday.

wakaalda biyaha Berbera ayaa si aan Hore Loo arag Uga qaybqaadatay dabaal degan  Iyadoo shaqaalhu ay ka Muuqatay farxad xad Dhaaf ah, Bilacda Dhark cusub ee calanka somaliland lagu xardhay ee ay Ku dabaal dageen Ardayda Iskuulada sare iyo Hoose Dhexe iyo Kuwa jaamcadaha Ayaa Iyaguna si layaab leh u Maray .

Munaasibadan ayaa waxa Siwayn dadka Reer Berbera Uga farxiyay fanaanka maxamed BK oo Heeso Xuska Maalintan ah ka qaaday Fagaarihii.

Inakstoo Xili Kulul oo xagaa ah lagu Jiro Hadana Shacabkii Kumananka ahaa ee fagaraha taagnaa Waxa kasoo hadhay Biis Biis Biis.

Markii Qudbadihii dhamaadeen xuskan ayaa Loo dareeray Dhinaca bada oo dabal deg balaadhani ka dhacay.

BBBBBBBBBBBBBBB Berbera 18 may

b1(107) b2(105) b4(80) b5(49) b9(11) b10(11) b11(8) b12(7)